Markabkii ugu Horeeyay oo Sida Gargaar Bini'aadanimo oo ku soo Xirtay Dekadda Magaalada Kismaayo

Markab sida gargaar biniaadanimo ayaa maanta markii ugu horeeysay kusoo xirtay marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo tan iyo intii ay gobollada Jubooyinhka sida ba'an u saameeyeen abaaraha dabada dheeraaday ee ku dhuftay inta badan gobollada dalka Soomaaliya.
Markabkan mucwaawinada ah ayaa waxa magaalada Kismaayo soo gaarsiisay hay’adda bisha cas ee dalka Kuwait, iyadoona uu sido mucaawino noocyo kala duwan leh oo loogu talogalay dadka ay abaaruhu saameeyeen ee kusoo barakacay magaalada Kismaayo iyo daafaheeda.
Mid kamid ah masuuliyiinta hay’adda bisha cas ee magaalada Kismaayo ayaa HOL u sheegay in markabku uu sido mucaawino gaareysa ilaa 300 oo tan, waxana uu sheegay in deeqdani ay ka timid hay’adda bisha cas ee dalka Kuwait.
Magaalada Kismaayo ayaa waxa ay kamid tahay goobaha ay sida saa’idka ah ugu soo barakaceen dadka ay sameyeen abaarihii ku dhuftay dalka Soomaaliya, iyadoona ay ku yaalaan in ka badan 50 kaam oo ay ku noolyihiin dad ay aad u saameeyeen abaaraha, islamarkasina aanan helin wax gargaar biniaadanimo oo ku filan.
Markabkan ku soo xirtay magaalada Kismaayo ayaa kusoo beegmaya xilli dowladda Kenya ay ka codsady beesha caalamka in la cunaqabateeyo marsadda caalamiga ah ee magaalada Kismaayo, iyadoona ay arintaasi ka digeen wadamo badan oo caalamka ah oo iyagu sheegay in hadii cunaqabateyn lagu soo rogo magaalada Kismaayo ay saameyn ku yeelan doonto kumannaan dad ah oo ay noloshoodu ku tiirsantahay dhaqdhaqaaqa dakadda magaalada Kismaayo.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post