Maseyrka sida looga badbaado

Cajiib waaye, maseyrku waa jiro kudhacda rag iyo dumarba, waxaase lagaga gudbaa in illaah laga magan galo, si uusan kuu dhaxalsiin waxaad kashaleyso aduun iyo aaqiraba, maseyrka waa wado kugu fureysa walaac kalsooni daro iyo sheydaan oo kuu noqda wehel, allaah ayaan kamagangalnay la wehel noqoshada sheydaanka insiga ah iyo kan jinkaba,maseyrku wuxuu sababaa burbur qoys, dayac kuyimaada caruur badan, dalanbaab iyo jahwareer nololeed, adoo sharaf kunoolaa oo minweyn xurmo leh ahaa ayuu kaa dhigaa minyaro walaac kunool ah, maseyrku waxaa daweyn kara allaah kacabsi iyo qofka laga maseyray oo kusamra isbadalka kudhacay xaaskiisa uuna ka dhowro in gurigaa uu soo galo Sheydaan insiga, Maseyrku waa cudur sababa wax walboo rabi ka fogaansha ah, Sixir, Dil, Reerkoo duma, caruurtoo dayacanta, iyo waliba in aad kudhacdo qaladaad aan lagaa fileyn, kuna dhaxalsiiya aduun iyo aaqiro seeg, mid waxaan udardaarmayaa Dumarka oo waxaan leeyahay abaayo laguma nicine rag iyo damacna waa wada dhashaye hasameyn wax aad kashaleydo bari kuuna horseedi kara nolol mugdi ah, ha xumeyn xiriirka allaah iyo kan Ninkaadaba, saxiib wanaagsan sameyso, sirta Qoyskana adinka ha idinku ekaato, ha isku furin albaab kaa xiran quruxdaada waa inaad reer leedahay, ilmahaadana ha usababin in si fudud loo dhibaateeyo, kana ilaali iney kaaga koraan cuqdad, ilmaha hadey cuqdad kukoraan cidna ma anfacaan xataa naftooda ma anfacaan, wareyso qof kaa waayo aragsan, halasaaxiibin oo hawareysan qofaan kaa naxeynin, Samirku waa furaha horumarka aduun iyo aaqiro, kusamir qadarka eebe isagaa kaa ilaalinaaya hagardaamo oo dhan, haka tagin daacadnimo, adey kuu danbeyn sacaadada nolosha, Hadayicin fursada inaad ahaato xaaska koowaad, si aan laguugu intixaamin inaad noqoto xaas afraad, waxkastana waa qorshaha eebe ee aan badino baryada iyo alle kacabsiga illaahey nama dayici doono, allaha nawada xafido.

Waxaa qoray akhristayaasha blogga raaxada guurka

10 Comments

  1. Maashaa Allaah. Waa qoraal qiimo badan, qoraaguna muujiyey khibrad iyo aqoon. Waxaan filayaa iney tahay qof dumar ah qoraagu. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku daro khibraddeyda dhanka ragga. Horta ninow maxaa kugu kallifaya inaad adoo marwo wanaagsan qaba mid kale u guursato? Way jiraan duruufo ama duruuf mar marka qaar kugu kallifaysa inaad xaas 2aad guursato, laakiin waxaa jira waxyaalo badan oo wax laga qaban karo. Horta ma u sheegtey inaad la guursaneyso. Maya, inteenna badan waan qarsannaa. Laakiin waxaa fiican inaad u sheegto, si haddii sababta kugu kallifeysa ay dhankeeda tahay ayna wax ka qaban karto aad u siiso fursad ay wax kaga qaban karto. Haddiise aya tahay duruuf aysan waxba ka qaban karin, sida dhalmo la'aan, jirro wakhti dheer ah IWM, isku day inaad ku qanciso oo iyadoo raalli ka ah aad la guursato, inkastoo ay adag tahay iney raalli marna ka ahaato, laakiin iskudey samee. Haddiibase ay dhacdo inaad la guursato horey ugu sii sheeg ama ha u sheegine, ogow iney maseyreyso kuna tala gal isbeddel weyn oo reerka ku dhaca.

    Waa run masayrku waa jirro dawadiisuna waa Alla ka cabsi iyo samir badan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa raggu markay xaaska la guursadaan oo ay maseyrto iney la yimaadaan samir badan. Waa inaad fahamtaa in dhibka aad adigu keentey illeen adaa la guursadey gabadhan maseyrsane. Ha u arkin iney iyadu khaldan ee ogow khaladka inaad adigu leedahay. Waxaad kalood ogaataa in gabadhani la maseyreyso jacayl ay adiga kuu qabto, waayo, haddeysan ku jeclayn dan kaama gasheen haddaad 3 kale xataa la guursato. Marka waa qof ku jecel oo aad kuu rabta, rabtana siday kuu jeceshahay inaad u jeclaato keligeed oo aanay gabadh kale jaceylkaaga la qaybsan. Ogow qoftani ineysan caadi ahayn oo isbeddel weyn ku dhacay. Intaas haddaad fahamto waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho sidaad ku dejin lahayd adoon la buuqin, lana dagaalin. Waxay u baahan tahay inaad wakhti badan siiso. Waa inaad ka ilaalisaa oo aadan marna ka hadlin xaaskaaga cusub. Haba soo hadal qaadin. U samee wax alla waxay kaa dalbato intaad awoodo, aan ka ahayn furriin. Ogow hubkeeda ugu weyn waa ama aniga ama iyada. Taas marna ha yeelin. Marna ha kula buuqin carruurta hortooda, hanaba la buuqin, Waayo xal ma aha buuqu. Waxaad isku deydaa inaad la kaashato haddey jirto qof dumar ah oo ay saaxiib yihiin, laakiin ah qof diinta ku fiican, aadna ogtahay iney sida wanaagsan wax ugu sheegeyso.

    Haddaba waxaan ku soo gabagabeynayaa:
    1- Xaaskaaga haddey tahay qof gudaneysa waajibkeeda hooyonimo iyo naagnimo ha la guursan haddeysan jirin duruuf kale oo qasab kaaga dhigeysa inaad la guursato, ee sii dhiirrageli si ay u sii fiicnaato. Yuusan ku hoggaaminin damacaaga iyo jaabkaagu.

    2- Waa inaad la timaadaa samir iyo dulqaad badan. Marna xalku ma aha dagaal iyo buuq.

    3- Ha ka dhigin xal inaad furto marnaba. Ogow qofka wax furaya waxna xidhaya waa adiga, waana awood Ilaahay ku siiyey maadaama aad nin rag ah tahay. Marka awoodaas ha ku ciyaarin.

    Salaam

    DW

    ReplyDelete
  2. Anonymous2/11/2012

    mashlaaah ilaahay nama dayaco hana nagu sugo diintiisa hanaga dhigo kuwo dulqaata o awlaadooda dartood u samra rageena xaqa iyo daacad nimada allaha ku sugo hooyoyin nimankooda raaliyoyin u noqda allaha naga dhigo oo dartood jano ku helo. teeda kale dumarka somaliyeed waxaan u sheegayaa in rabbi wuxuu fasaxay cidna aysan diidi karin aana ka naxno gabdhaha walalahen ah oo ragga la aanta ah marka haduu ilaahay noo qadaro in raggeena labeeyaan aan so dhawayno oo wanaajino aana noqo min wayn lagu soo hirto inshalaaah

    ReplyDelete
  3. Maashaa allaah, Talo wax ku ool ah waaye, qofka qorayna waa qof xogbadan kahaya, xaaladaha maseerka.

    ReplyDelete
  4. Anonymous2/13/2012

    walal muxuu yahay xalaka oogu fudud ee laga gaadhi karo wakhtiga galmada inadan ka hordhamaysan xaaskaga?

    ReplyDelete
  5. sida ugufudud xaaskaaga aad ku gaarsiin karto biyahabbaxa adoon weli biyabbixin waa istiinka badan naagaha caadifo ayay ku salaysan yihiin haddii aad u galmooto naagta adoon hadalo macmacaan u dhihin oon koolkoolinin way adagtahay inay galmada seekada ah inay ku biyobaxdo

    ReplyDelete
  6. Waxa aan raba inaad ogaado sababta ku kalifta raggu inay la guursadaan xaaskood haddii ay aanay jirin duruf ku kalifaysaa!
    Mise waxa ay maqleen dhowr dumar aha ayaa la idiin baneeyey uun? Ragga aad ayey ku ayar yihiin inta laba xaas sidii diintu sheegtay u qancinkara, waayo bila'aadanku waxa uu leeyahay hal qalbi uun!

    ReplyDelete
  7. Asc wr

    Wacan, waa suaal wanaagsan. Sababaha ragga ku kallifa inay la guursadaan xaaskooda iyadoo aysan jirin duruuf ku kallifaysa waxaa ka mid ah:

    1- Raggu waa indho-ku-caasha oo hadday gabadh qurux badan arkaan way damcaan. Quruxdu waa shayga koowaad ee ragga soo jiita marka u horreysa. Marka inuu quruxdaas la dhaco oo uu guursado way dhacdaa.

    2- Hadduu dhaqaale fiican Ilaahay siiyana sida badan wuu la guursadaa.

    3- Hadduu rabo inuu dhalo carruur badan, isagoo carruur iyo xaas wanaagsan haysta way dhacdaa inuu la guursado.

    4- In lagu sharfo gabadh oo la siiyo, taasoo uusan maya dhihi karin.

    5- In walaalkii dhinto oo uu ku qasbanaado inuu dumaalo, isagoo fiiriniya maslaxda carruurta.

    6-In gabadhi jeclaato sidey doonto ha ku jeclaatee (maal, cilmi qurux iwm) oo ay daba dhigato illaa uu oggolaado inuu guursado, taasoo ragga badankii u nugul yihiin.

    7- Inuu qudba siro, si sahlan ugu guursado oo uu isleeyahay ku meel gaadh.

    8- Inuu safar badan yahay oo uu is yidhaahdo meelaha uu safarkiisu u badan yahay guri deegaan ah ka sameyso.

    9- Inuu gabadh diin leh arko oo uu saas ku jeclaado guursadana.

    10- In gabadhu maal leedahay oo uu maalkaas damac kaga jiro oo uu saas ku guursado.

    Laga yaabo iney jireen sababo kale, laakiin intaasaan kaaga sheegi karaa.

    Haddaan ku daro duruufaha ku kallifa ama ku qasba inuu la guursado xaaskiisa:

    1- Iyadoo aysan carruur dhaleynin xaaskiisu.

    2- Xanuun ama jirro qaadata wakhti dheer.

    3- Haddey tahay naag aad dhib badan oo uusan u adkaysan karin.

    4- Naag ka soo bixi weyda maamulka gurigeeda iyo carruurteeda.

    5- Ineysan ku fiicneyn sariirta oo uusan ku qanacsaneyn.

    6- Iney kala fogaadaan, sida iyagoo 2 waddan ama 2 qaaradood ku kala nool.

    7- Inuu gabadh si sharci darro ah ku uureeyo, ayna qasab ku noqoto inuu guursado.

    Wacan, intaasaan hadda xusuustaa, waysi jiri karaan sababo kale ee ciddii ku dari karta ha noogu darto.


    Salaam,

    DW

    ReplyDelete
  8. Anonymous2/20/2012

    asc walal aniga aad ayan u maseer badanahay. aaad ne waa u jeclahay odaygeyga haadaa waxaan lenahay 1 cunug. waxa badan ayan isla soo marnay waxaa isku doornay waa jecel mahan daneysi haniti iyo waxii la mid ah, lakin niyadeyda waxaa ku jirto manta haduu lacala ninkan naag guursado , inuu anaga reerkeynu ku dumaayo xaas 2aad u ila guursado waxeey ila tahay arin culus . markaa balaayo waa laga hort taga ee maxan sameyn karaa si uusan iga dumeyn reerkyga ninkaan wax kastoo sameeyo jawaaab

    ReplyDelete
  9. iska dhaadhici inuu guursan karo diin ahaan wax Alle u baneeyey kama kortagi kartid, laakin waxaad isku dayi kartaa inaad ka raabto adigoo aad ugu dadaalayo dalaabkiisa iyo waxyaalaha uu jecelyahay inta badan nimanka waxay raadiyaan naag marka ay gogoshu ka fogaato aad ku mashquusho carruur

    ReplyDelete
  10. Anonymous2/20/2012

    asc waa idinsalamaya dhamaan inta bogan ku xiran ama leh. waxaan qaabaa su aal ah waxan ahay gabadh dhalin yaro ah walina ma gursan , waxana i heysta dhibaato waayo waa maseer badanahay so marka saaxiibkey xataa wuu igu dhib qabaa teeda kale waana go aan qaadad dhawahay oo si dhakh so leh yaa iska go aan qaadanya anoo maseersan . marka maxee igu wacan maseerka badan ayaa la oran karaa ? asc

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post