Sida lagu dejin karo maseyrka dumarka marka lala guursado

Maashaa Allaah. Waa qoraal qiimo badan, qoraaguna muujiyey khibrad iyo aqoon. Waxaan filayaa iney tahay qof dumar ah qoraagu. Waxaan jeclaan lahaa inaan ku daro khibraddeyda dhanka ragga. Horta ninow maxaa kugu kallifaya inaad adoo marwo wanaagsan qaba mid kale u guursato? Way jiraan duruufo ama duruuf mar marka qaar kugu kallifaysa inaad xaas 2aad guursato, laakiin waxaa jira waxyaalo badan oo wax laga qaban karo. Horta ma u sheegtey inaad la guursaneyso. Maya, inteenna badan waan qarsannaa. Laakiin waxaa fiican inaad u sheegto, si haddii sababta kugu kallifeysa ay dhankeeda tahay ayna wax ka qaban karto aad u siiso fursad ay wax kaga qaban karto. Haddiise aya tahay duruuf aysan waxba ka qaban karin, sida dhalmo la'aan, jirro wakhti dheer ah IWM, isku day inaad ku qanciso oo iyadoo raalli ka ah aad la guursato, inkastoo ay adag tahay iney raalli marna ka ahaato, laakiin iskudey samee. Haddiibase ay dhacdo inaad la guursato horey ugu sii sheeg ama ha u sheegine, ogow iney maseyreyso kuna tala gal isbeddel weyn oo reerka ku dhaca.

Waa run masayrku waa jirro dawadiisuna waa Alla ka cabsi iyo samir badan. Sidaas darteed waxaan kula talinayaa raggu markay xaaska la guursadaan oo ay maseyrto iney la yimaadaan samir badan. Waa inaad fahamtaa in dhibka aad adigu keentey illeen adaa la guursadey gabadhan maseyrsane. Ha u arkin iney iyadu khaldan ee ogow khaladka inaad adigu leedahay. Waxaad kalood ogaataa in gabadhani la maseyreyso jacayl ay adiga kuu qabto, waayo, haddeysan ku jeclayn dan kaama gasheen haddaad 3 kale xataa la guursato. Marka waa qof ku jecel oo aad kuu rabta, rabtana siday kuu jeceshahay inaad u jeclaato keligeed oo aanay gabadh kale jaceylkaaga la qaybsan. Ogow qoftani ineysan caadi ahayn oo isbeddel weyn ku dhacay. Intaas haddaad fahamto waxaa lagaa rabaa inaad ku dadaasho sidaad ku dejin lahayd adoon la buuqin, lana dagaalin. Waxay u baahan tahay inaad wakhti badan siiso. Waa inaad ka ilaalisaa oo aadan marna ka hadlin xaaskaaga cusub. Haba soo hadal qaadin. U samee wax alla waxay kaa dalbato intaad awoodo, aan ka ahayn furriin. Ogow hubkeeda ugu weyn waa ama aniga ama iyada. Taas marna ha yeelin. Marna ha kula buuqin carruurta hortooda, hanaba la buuqin, Waayo xal ma aha buuqu. Waxaad isku deydaa inaad la kaashato haddey jirto qof dumar ah oo ay saaxiib yihiin, laakiin ah qof diinta ku fiican, aadna ogtahay iney sida wanaagsan wax ugu sheegeyso.

Haddaba waxaan ku soo gabagabeynayaa:
1- Xaaskaaga haddey tahay qof gudaneysa waajibkeeda hooyonimo iyo naagnimo ha la guursan haddeysan jirin duruuf kale oo qasab kaaga dhigeysa inaad la guursato, ee sii dhiirrageli si ay u sii fiicnaato. Yuusan ku hoggaaminin damacaaga iyo jaabkaagu.

2- Waa inaad la timaadaa samir iyo dulqaad badan. Marna xalku ma aha dagaal iyo buuq.

3- Ha ka dhigin xal inaad furto marnaba. Ogow qofka wax furaya waxna xidhaya waa adiga, waana awood Ilaahay ku siiyey maadaama aad nin rag ah tahay. Marka awoodaas ha ku ciyaarin.

Salaam
Waxaa qoryay
DW
akhristeyaasha blogga mid ka mid 

8 Comments

  1. Anonymous2/12/2012

    asc dhamaan wan idin salmay qastan walaalaha adka u qimaha badan oo kashaqeyaay arimahan aadka u qimaha badan.....salaan kadib walaalo waxan rabaa inaan su'alo idin so waydiyo..ma meel qas ah ba jirta mise inta uun ban kuso diraya su'asheyda? mahdsanidin

    ReplyDelete
  2. walaal su'aashaada halkaan ayaad ku soo qoran kartaa

    ReplyDelete
  3. Anonymous2/13/2012

    wiil aan jeclahay aan ku riyooday asagan ma oga inaan jeclahay laakiin waxaan iskala hadalnaa computerka waxaan ku riyooday anagoo is aroosnay hooyadiis oo happy ah maxaa waayo micnaha riyadayda:)

    ReplyDelete
  4. Anonymous2/13/2012

    walaal waxan rabaa inaan su,aal idin weeydiiyo

    ReplyDelete
  5. Anonymous2/13/2012

    Ani Waxan ahay gabar wali maguursanin lkn maseerka waxa uuba gaari gara heer aad maskaxda beesho aan qaba ano maalin wiil isla socono oo wadada mareeno aa gabar ee wiilki isyaqaaneen wadada isaga hor imaane ilahay amarkiis ani waaba isaga soo tage oo gurigayga ayan iska imaade waanba ilaaway xitaa in uu wiilki ila socday

    ReplyDelete
  6. lacag,dahab,guri aad u hibeyso. cimra aad geyso. dhulalak islaamka aad dalxiis u geyso,(waa hadii aad wax heysato) hadii aadan waxba heysan hadal macaan kula hadal markasta,sariirtana ugu roonow, wadanka gudihiisa meel dalxiis ugey sida shabeelada hoose... markastan qanci...... nin aan saaxiibow nahay ayaa xaaskiisa maseyrtay labadii reer aya is hor fadhiistay 10.000 riyaal ayuu dhiibay gabadhii wey degtay.... mararka qaarkooda daawo malaha qabri ayaa loogalaa. dumarow hadii aad maseyrtaa allah u dhawaada. nika hadii wax heysto ,caafimaad qabo, cadaalad sameynkaro wuu guursan karaa. lkn jeebkiisa hadey baranbaro ku wareegeyso ragow guur 2aad iska jira , .... guurka 2aad sharuudo ayuu xanbaarsanyhay. iska guurso ma aha.. waan idin salaamay dhamaan jaaliyad raaxada guurka iyo qofka soo diyaariyey.

    ReplyDelete
  7. riyada marmar waxay ku timaadaa sheekada nafta wax qalbiga kugu jiro ayaad wax ka arkaysaa

    ReplyDelete
  8. Anonymous1/13/2013

    asc dhm waalaha aqle u saaxiibka ahow waxaan rabaa in aad talo iiga siisaan arin murugo iigu reebtey.wiil ayaan is jecleyn aad ayuu ii jeclaa aniga sidoo kale wax hanta ah muu laheyn runtee waa ku jeclaa wax kasta waxaa dhacdey in famaligey lacag ii siiyaan oo laygu dhaho ku aad yurub.waxaan go,aansadey guure qarsoode ah in aan isguursano,runtee waa iigu adkeyd in gacaliyaheyga cidlo uga tago asguu joogey neyroobe daruufne ku heysatey,waxaa ku tashaney ia aan aadno s,africa oo ka baxno waa sameyney.lacagtee waa naga qasaartey,famaligey arintaa waa maqleene laakiine guurka mey maqlin waxaa leysoo jeediyey in lagu daro nin lacagheyta hooyadey ayaa iigu tare hadaa lacagtee qasaarisey ninkaan guurso habaar ama duco gacaliyaheyga ayaan u sheegay runtee waxey ahey mid xanuun badan waxuu iigu yire macaan habaar waalid kulama rabo ee anigaa ku furaayo wax aan waalidkaa ku qanciyane ma heysto sidee ayaan ku weeyey wiilkaan jeclaa niyadeydane waa jabtey ninkee waa guursadey yurub ayuu ii keenay waxuu ahaa mid naxariise daran oo maalinkasta ii cadaadiyo dhibaatataan qabey ayaa iiga sii dartey waxaa u dhaley sadex ilmo oo sidaa ku dhaley aana ogey noolashoo dhan dhadhan iima lahan dhibkee waa xamile waayey waane iska furey waxaan raadiyey si qalbadeyda u dagto wiilkaan jeclaa oo niyadeyda ka baxe wayey xitaa aniguu leyqabo waku guuleystey asaguu xaas leh ayaan helay xaaladeydaan u sheegay waxuu ii sheegay in oo wale ii jecyahey rabane in oo ii guursado ilaahey afar u banaayey runtee waa iigu adkey in nin xaas leh guursado lakiine jaceylkaa iiga awood batey waa guursadey waxaan kale joognaa labo dal oo yurub ah xaaskane ma joogto aniga ayaa u tago marasta aniga ayaa waco iima soo raadiyo markaan waco ama u tago waxuu ii muujiyaa wanaag iyo jacey runte waa shaqse wanaagsan laakine waxaa murug iigu reebay wacid la aanta markasta anigaa raadiyo pls iiga siiya talo arinkaan raad ayuu iigu reebey

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post