Gabaryaheey haddii aad dooneyso in si fudud
aad ku ogaato xiliga ninkaada uu ku sheekeynayo in warkiisa sax yahay ama
been yahay waxaad raacdaa habkaan hadaad ku aragto ogaaw been ayuu ku
sheegayaa.
Indhaha Been Ma Sheegaan: marka uu wax
ku leeyahay si wacan oo toos ah u fiiri indhihiisa haddii uu been sheegayo
waxad arkeysa isaga oo si deg deg ah kaaga jee-jeedinaya indhihiisa.
Fiiri Dhaq-dhaqaaqa Cagahiisa: Haddii uu ku
sheekeynayo cagahiisana ay sameynayaan dhaq-dhaqaaq ah in marba cag cagta
kale saaro ama kala war wareejiyo ogaaw been ayuu shegaya ama wax aan
soconeyn ayuu kaa dhaadhicinayaa.
Hadii Uu Dhabarka Kuu Jediyo: haddii aa
aragto marka uu hadalka kuu bilaabo in durba garabkiisa ku soo aadinayo
ogaaw wax ayuu kaa qarinayaa wajigiisa maadama beenta laga garto wajiga.
Su`aal Kedis ah weydii: weydii su`aal kedis
ah oo sahal oo uusan fileyn tusaale , xalay intee jirtay ama yaad la
qaxweeysay , waxaad fiirisaa jawaabta uu ku siinayo hadii aad aragto in
gacmihisa uu jeebka giliyay ogaaw waxa uu isku dayayaa in uu wax ka qariyo
maxaa yeelay been ayuu sheegaya.