Rag badan oo soomaaliyeed gabdho hindi ah guursanaya waayahan

Raga Soomaaliyeed ee Guur Doonka ah ee gabdhihii Soomlaiyyed ka quusteyoo kusii qul qulaya Dalka Hindia. Waxaa Mudooyinkii danbe Dalka Hindia kusii qul qulayay rag Soomaaliyeed oo guurdoon ah kuwaa oo ka kala tagay Wadamo badan oo kuyaala Qaarada Afrika Asia Yurub iyo Ameerika si ay ugu soo aqal galaan Dalka Hindia . Raga ugu badan ee Guur doonka ah ayaa ka taga wadamada Yurub iyo Ameerika si ay Dalka Hindia ugu soo guursadaan Haweenka u dhashay Dalkaasi oo la sheegay in uu guurkooda aad u jaban yahay ilaahna qurux ku maneestay iyo dabacsanaan gaar ah oo lagu amaano haweenka Hindia walow kuwa Soomaaliyeedna aysan ka liidan haweenka Hindia. Guursashada Haweenka Muslimka ah ayaa la sheegay in Dalka Hindia ay aad uga sahlantahay iyadoo la sheegay deegaanada qaar in nin walbo uu gabdhiisa kusoo bandhigayo si aad u guursato wax xoogaa nooli ahna uu kaga helo. arintan ayaana waxaa dalaal ka ah rag iyaga kunool Dalkaasi Hindia oo u raadiya raga Calaf Doonka Ama   guurdoonka ah ee yimaada Dalkaasi kana
qaata wax xoogaa Shilimaad ah una soo dhameeya gabdho qurux badan oo Islaam ah waxa mararka qaar dhacda in Ninkii ay ujoogaan gabdho uu ka naadiyo Masaajida si loo guursado gabadhiisa .Waxaa jira Dhalinyaro Soomaaliyeed oo katagay Dalka Koonfur Afrika
halkaasna u tagay in ay soor guur sadaan waxa ayna ii sheegeen in aad indho daraan dar ka qaadeyso haweenka markii siyaabo kala duwan laguugu
soo bandhigo ayna yihiin kuwa qurux iyo dagnana Ilaah ugu deeqay .Raga qaarkood ayaana ka cawday in wax loo hoos galiyay taas ay ula
jeedeen in haween loogu sheegay in ay gabar tahay aysan noqon sidii ay ka rabeen ama ay hishiiska ku galeen lacagna kaga baxaday xaaladana ay aad ugu xumaatay ugana niyad jabeen qaar kamid ah haweenkaasi oo garoob ku noqda.Qaar kamid ah raga Guurdoonka ah ayaa markii ay kasoo tageen haweenkii ay guursadeen aan dib danbe u xariirin ugana laaban Dalka Hindia halkaasia xariirka uga jareen kadib markii ku eedeeyeen in lagu qiyaamay guurkaasi sidii ay rabeena ay noqon weysay .Waxaa iyana arintaasi cabasha xoogan ka keenay raga dalalaaliinta ah ee arintaasi soo dhameeyay iyo qaar kamid ah ardayda Dalkaasi wax kabarata kuwaas oo sheegay hadii ninka guursada gabdha uusan dib usoo noqon in ay ehelada gabdha ay iyaga qabsanayaan maadama ay iyaga ay dalka joogaan iyagoona kala kulma dhibaatooyin aad u xoogan.Si kastaba arimahan ayaa kadanbeeya in ay raga Guurdoonka ah aadaan Dalka Hindia arima la xariira Haweenka Soomaaliyeed oo guurkooda uu ku
adkaaday wadamada qurbaha rag badana ay dhibaatooyin xoogan kala kulmeen markii ay guursadeen taa oo isugu jirta dhanka qarashaadka iyo dhinacyo
 kale.Dalka K/Afrika ayaana markii tusaale loo soo qaato guursashada haweenka ay tahay mid aad u adag ayna dumarka ku yaryihiin inta joogatan
 aysan fududeen in si sahlan lagu guursado ta as oo qaar kamid ah dhilinta Dalkaasi kunool ee usuurto gasha helida Baasaboorka u fududeesa
 in ay Dalkaasi ay u aadaan guur doon
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post