Buthayna Afka cibriga oo ka doorbiday Af Soomaaliga (qiso yaab leh)

Buthayna waa gabadha ugu horraysa oo masaari ah ku takhasusta af soomaaligawaxay dhammaysay jaamacadda Qaahira kulliyadda afafka gaar ahaan qaybta afka cibriga (Hebrew language) waxay gashay kaalinta koobaad, nasiibdarro  kaddib kama helin inay noqoto isla kulliyaddaas  muciid musuqmaasuq  awgii, waxay u shaqaysay ciidanka masar waxay u ahayd tarjumaan, kaddib waxay u shaqaysay shirkad kale oo khaas ah, markaas ayay maqashay in loo baahan yahay muciid, loogana baahan yahay machadka baxsiyada iyo daraasaadka afrika ee jaamacadda qaahira kaddib ayay tagtay waxaa loo oggolaaday inay af soomaaliga ku takhasusta afka soomaaliga oo lagu soo biiriyay sannadka 2011 in laga dhigo machadka, buthayna waxay ka diyaarin doontaa master ilaa PhD  af somaali busayna aad bay u maskax badan thahay sidaasna waxaa ku tilmaamay Macallinkeeda Soomaaliga ah Dr. Muumin Caalim iyo Dr. Ismacil Mafuum oo ka dhiga machadka afka sawaaxiliga, afka Soomaaliga waxaa lagu soo daray machadka cahdiga Pro. Maxamed Cali Nowfal madaxa qaybta afafka afrika.

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post