Af Soomaaliga si ramsi ayaa loogu biiriyay afafka Jaamacadda Qaahira lagu dhigo

Waxaa lagu soo daray afafka lagu barto jaamacadda Qaahira Af Somaaliga, sannadkii 
2011, mahchadka baxsiyada iyo daraasaadka Afrika oo raacsan jaamacadda Qaahira ayaa , waxaa lagu dhigaa afafka ugu muhimsan ee Afrika sida afka Hawsaha, iyo Sawaaxiliga, afka Amxaariga iyo afka fulaaniga iyo afka Madingaha iyo afka lugaandaha iyo af Soomaaliga oo lagu soo biiriyay waqti dhow, marka lagu soo darayay af Soomaaliga afafka lagu dhigo jaamacadda waxaa madax ka ahaa qeybta afafka Afrika Pro. Maxamed 
Pro. Maxamed Nowfal
Cali Nowfal, wuxuuna ka mid ahaa dadka taageeray in lagu soo biiriyo af Somaaliga.
 Waxaa ku takhasusaya afka Soomaaliga gabar la yiraahdo Buthayna Sayid oo ah gabar masaari  oo aad u maskax badan waxayna jeceshahay af Soomaaliga iyo dhaqanka Soomaalida, Buthayna hadda waxay diyaarin rabtaa goor dhow Master oo cunwaan u ah 
(oraah faleedda af Soomaaliga)  المركب الفعلي فى اللغة الصومالية  waxay dhamaysay dibloomaha af Soomaaliga sannadkan 2013 ka.


  Waxaa ka dhiga af Soomaaliga jaamacadda Qaahira Dr. Muumin Yuusuf Caalim oo ka mid ah dadka wax ka bartay dalka masar , wuxuuna qoray qaamuuskii ugu horreeyay oo ah Carabi iyo Soomaali, waxaad ka heli kartaa isagoo lacag la'aan ah oo elektaroonik ah webkandaruur.com


Buthayna  iyo Macallinkeeda Muumin
wargeyska ugu weyn dalka masar Al-ahraam ayaa ka hadlay Buthayna iyo af Soomaaliga iyo macallinkeeda, iyo taariikhda waxbarashadeeda, taas waa wax lagu farxo, afkeena hooyo ayaa waxay u tahay  guul, waayo af soomaaligu waa afka keliya lagaga hadlo dhulalka soomaalidu ay leedahay waxaana ku hadla dadka u dhashay dhulalkaas, dhulalkaas soomaali ha haysato ama halaga haysto sida dhulalka ay naga haystaan Kenya iyo Itoobiya, afkeenu waa astaanteena.







Post a Comment (0)
Previous Post Next Post