Gabadhii masaarida ugu horraysay ee barata af soomaaliga

Gabadha masaarida ugu horraysay ee ka diyaarinaysa af soomaaliga darajada masterka, gabadhaas waxaa la yiraahdaa Buthayna sayid waxay ka qalinjabisay Jaamacadda qaahira, waxayna ka dhamaysay goor dhow diblooma af soomaali isla jaamacaddaas, Buthayna waa gabar aad u dadaal badan waxay ku baastay mumtaaz (excellent),  maadooyinka af soomaaliga iyo kuwa kaleba, Buthayna waxay kala kulantay dad badan ay garanayso arrimo lala yaab marka ay bilowday barshada afka soomaaliga, waxay ku dhihi jireen dadkaas maxaad ku dooratay af soomaaliga ? af soomaaliga muxuu kuu tarayaa ? dalka soomaali aad buu u burbursan yahay ? aad bay u dhibsan jirtay, laakin marka ay afka fahantay oo ay si fiican baartay qiimaha soomaalida aad bay ugu faraxday doorashada ay dooratay afkan, Buthayna waxay rajaynaysaa inay mustqbalka booqato dalka soomaaliya si indhaheeda ay ugu soo aragto dhaqanka soomaalida, waxaa kaloo ay jeceshay inuu Alle ku mannaysto dalka soomaaliya nabad iyo horumar, waxay leedahay aad baan u jeclahay Af soomaaliga iyo dhaqanka soomaalida , soomaali waa dad aad u qiime badan,   
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post