Islaan suudaan u dhalatay oo Alle indhaheeda ugu soo celiyay Xajka Sanadkan

Iyadoo Musjisooyinka Ilaaheey ay Fara badan yihiin, ayaa haddaba Bishan aynu ku jirno ee ah Bishii Dul Xajj, oo ay Dhammaan Muslimiinta ay gudanaayaan Waajibaadkii Xajka ayaa waxaa dhacday Mucjiso aad u weyn oo Cibro qaadasho Mudan, taa soo ah, Haweeneey u Dhalatay Dalka Suudaan oo lagu Magacaabo Faadumo Al-Maaxi, oo ay Indho La'eyd Muddo Toddoba sannadood, Dhaqtar iyo meel walbana la geeyey lagu Daaween waayey. Faadumo waxey sheegtay ineysan Marnaba ka Rajo dhigin Naxriista Rabbi, oo ay mar walba Rajeyneesay iney Indhaheeda u soo Noqdaan, ayaa iyadoo maanta ka mid ah Xujaayda, u taagan Carafaatka ilaaheey Dib ugu soo Celiyey Arageeda oo ay Toddoba weysaneed. (Ilaahoow Ummadaada u Naxriiso. Yaa Rabbi).
Previous Post Next Post