Mucjisada labaad haweeney buurta carafaad indhaheeda ku heshay

Mocjisadii labaad ee dhacday sanadkan xajka, haweeney u dhalatay dalka tuunis oo da'deeda dhaaftay todobaatanka, oo lagu magacaabo Nafiisa Alqarmaazi oo heshay indhaheeda markii ay ahayd kaddib indhoole, haweeneydaas indhaheeda waxay u soo noqdeen markii ay Alle aad uga bariday iyadoo joogta buurta carafaad , dadkii u dhashay dalka tuunis ayaa bilaabay inay la soo xiriiraan bacsada tuunis ee xajka si ay ugu hambalyeeyaan, qoftii timid xajka iyadoo wiilkeeda gacanta ku hayo oo kaxaynaya ayaa maanta waxay noqotay iyadoo aan gacanta lagu kaxaynaynin oo wax kasta u jeeda, Alle ayaa mahad oo dhan iska leh

Previous Post Next Post