TAARIIKHDA XAASASKA RASUULKA -naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- Safiyah Bintu Xuyayy Ibnu Akhdab

Xaaska Tobnaad ee Rasuulka CSW, waxey aheyd Safiyah Bintu Xuyayy Ibnu Akhdab waxaa lagu Guursaday Magaalada Madiinah, Sanadkii Todobaad ee Hijrada, Meherkeeda wuxuu ahaa Xoraynteeda laga Xoreeyey Dadkii laga soo Qabtay ee Khaybar, waxay Werisasy Labo Xadiis, waxay ahayd Carmal oo waxey kala tageen Salaam Ibnu Mashkam, ka dibna Kinaanah Ibnu Abil Xaqiiq, Haddaba wax Caruur ah uma eysan Dhalin Nabiga CSW, markuu Guursanaayey Nabiga CSW, waxay jirtay 17sano, Qabiilkeeda wuxuu ahaa Banuu Nadiir, waxay ku Dhimatay Magaalada Madiina, Sanadkii 50aad ee Hijrada, waxaa lagu Xusuustaa Nabi Haaruun Ibnu Cimraan Duriyadiisii ayey ka mid ahayd Nabi Muuse Walaalkiis.

Wabillaahi Towfiiq.
W.Q:- Macoow Ustaad.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post