gabar indonesia u dhalaty oo loo soo celiyay lacag dhan 71600 riyaal markuu u diiday kafiilkeeda kaddib

Gabar u dhalatay dalka indonesia oo lagu magacaabo subaati naatadi ayaa aad u

faraxday markii loo soo dhiciyay lacag ka badan 71600  riyaalka sacuudiga oo ahayd

lacag ay ku lahayd kafiilkeeda meesha waxaa goobjoog ka ahaa safiirka indonisa ee

dalka sacuudiga, wiil uu dhalay kafiilkaas ayaa intuu geeyay safaaradda meel u dhow

markaasuu ka cararay, wergeyska  riyaad ayaa wuxuu sheegay inay ka shaqaynaysay

gabadhaas dalka sacuudiga 13 sano wax ka badan waxayna u shaqaynaysay qoys ku

noolaa eeriyada tabuuka kaddib waxay u soo wareegtay riyaad waxay shaqo ka bilowday

caasimadda waxay u shaqaynaysay sagaal sano markii ay gaartay lacagteeda 93600

riyaal waxay ka dalbatay kafiilkeeda inuu siiyo kaddib wuxuu ku bilaabay

meermeerin, muddo kaddib wuxuu siiyay 22000 riyaal waxaa ku haray 71600 riyaal

markaas kaddib wiil ka mid ah wiilal uu dhalay safaaradda indonesia meel u dhow

ayuu ku tuuray kana cararay kaddib safaaradda ayaa la xiriirtay xafiiska u xil saaran

shaqaalaha ilaa laga dabaggalo kafiilkeeda oo laga soo qaado xaqeeda oo dhan aad bay ugu farxday

waxayna tiri dalka islaamka xaqqu kuma lumo aad ayaan ugu mahad naqayaa dadka ii

soo dhiciyay xaqqayga
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post