naagta dabada weyn nimanka qurux bay u arkaan laakin xaalku waa sidee

Sida la wada og yahay waxaa aalaaba la arkaa in raggu amaanaan, kana helaan dumarka gadaal u weyn, ayadoo nin walbaaba hadii la weydiiyo sababta uusan si saxa uga jawaabi karin, balse uu kuu cadeynayo in ay uun iska wanaagsan tahay haweeneyda dabada u weyn, ishuna ay la dhaceyso.
Si kastaba, haba la amaano, ragguna haka daba hutiyaano haweenka daba weyn, ma ogtahay in ay jiraan arimo dhibaato ku haya haweenka futada weyn, oo sababaya in aysan iyaga qudhoodu ku faraxsaneyn miisaanka gadaal ka saaran.
Hadaba xiiso.com ayaa kuusoo bandhigeysa 5 dhibaato oo ay qabaan haweenka gadaal u weyn, ayna jeclaan lahaayeen in laga bedelo, anagoo raacineyna sawiro daliil u ah arimahaan, arimahana waxaa fahmi kara oo kali ah haweenka nuucaan ah.
1- Marka haweeneyda gadaal u weyni ay meel bulsha badani joogaan is dhahdo ku sateecso, ceebtaan ayey ka dhaxashaa

2- Marka ay koox asxaab ah sawir xusuusa la gasho, isha dadku sawirkeeda unbeey abaartaa, cuqdad ayeyna ka qaadaa haweeneyda nuucaan ahi.

3- Marka dadku baranayaan, wejiga ayagoon ku mashquulin ayey gadaal ishoodu qabataa, taasna waxaa ka dhasha faduulin iyo is dhibsi.

4- Marka ay meel jaran jaro ah, ama dalcad ah koreyso, marnaba ma jeclo in gadaasheeda uu qof socdo

5- Si walboo ay dhar fiican oo ku dhegan jirkeedana soo saaraya u xirato, dharkaasi ma noqdaan kuwa waara, waxa ayna durba noqdaan calal (kuwa duugooba) waxeyna badanaa u baahan tahay dhar cusub waayo dabadeeda ayaa intaas kiilo ah.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post