Nin gabadhiisa facebook ku shukaansaday isagoon ka warqabin wax lala yaabo !

Nin aabbe Soomaaliyeed ah ayaa walaac ka muujiyey isticmaalka aalada Internet-ka guud ahaan, gaar ahaan meelaha isku xirka mushtamaca.

Ninkan oo ka mid ah dadka ku dhaqan gudaha dalka, hase yeeshee sida aadka ah u isticmaala Internetka ayaa la sheegay in walaacani uu ku dhashay, kadib markii uu kala kulmay arrin si fudud ku bilaabantay, hase yeeshee keentay in cuqdadi soo kala dhex gasho isaga iyo ilmo uu dhalay.

Warar aanu helnay ayaa sheegaya in ninkani uu si kedis ah ugu bartay gabar uu dhalay, taasi oo ay wada xiriiri jireen, iyadoo aan la is ogeyn, mid kastana uu kan kale been u sheegayay, isla markaasna isticmaalayay cinwaan uu ku qoray magacyo been abuur ah Ayna ku jiraan sawiro dad kale ay leeyihiin.

Xiriirkan oo mudo socdey ayaa ku dhamaadey fashil, ka gadaal markii wixii mudo la is balamiyaba ay go’aansadeen in ay kulmaan, ayagoo ku balamay xaafad aan toodii ahayn.

Inkastoo Aabuhu ku dooday in uu waxan u sameeyay baaris uu ku hayay gabadhiisa, hadana waxaa cad in ay ahayd mid ku dhacdey damac dheeri ah iyo doonis lamaane, Waana taas tan ku dhalisay in isticmaalka Internetka uu ku geyn karo hog iyo meel aanad sii qorsheysan sheekadan waa tii ugu yaabka badnayd taariikhda soomaaliyeed ee facebook.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post