Waxyaalahan bidaarta ayay soo deddejiyaan ee iska jir

Waxyaalaha bidaarta keeni kara waxaa ka mid ah
Cabitaanada Fudud: Way adagtahay in la iska gooyo cabidda soorada (cabitaanka aashitada leh ) laakiin ma ogtahay khatarta ay leedahay? Soorada waxaa ku ijra : sonkor, macaan macmal ah, midabo kiimikal ah intuba waxay halis ku yihiin cafiimaadka timaha.
Cusbada: Cusbada waxay jirka u leedahay faaidooyin badan laakiin hadii la iska badiyo uma wanaagsan timaha. waxa loo baahan yahay in loo isticmaalo si dhexdhexaad ah, maxaa yeelay sodium xad-dhaaf ayaa la sheegay inay keeni karto timaha oo si xad-dhaaf ah u daata. . Sodium-ka waa in lagu koobaa ka yar 2300 mg maalintii iyo xitaa kasii yar haddii aad
qaabto dhiig kar, sonkorow, ama aad ka weyn tahay da’da 51.
Sonkorta: Si aad timahaaga u ilaaliso, fadlan iska yaree mac-macaanka. Sida aynu wada
ogsoonnahay maaddada Vitamin E ga waxay u wanaagsantay inay timahu dheeraadaan oo ay
bataan, sonkorta waxay hoos u dhigtaa heerka Vitamin E. Ha Welwelin tan macnaheedu ma
ahan in qodobnews.com ku leedahay sonkorta oo dhan iska jar balse waxay kugu talinaysaa inaad
iska yareyso. Hadii aad jeceshay macaanka isku day inaad ku bedesho qudaarta dabiiciga ah
ee macaan waayo wax kimikal ah ma laha.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post