Gabadhii yarayd oo ducadeeda laga aqbalay

Macalimad Dugsi wax ka Dhigta ayaa waxay tiri: marka uu Aadaanku socdo Xiisadayda waan Joojin jiray, Ardaydana waxaan ku oran jiray Aadaanka iyo Aqinka Salaadda Dhexdhedooda Ducada ilaahey wuu Aqbalaa ee Badiya Baryada Eebbe, muddo markaan sidaa ahaa ayaa Maalin waxaan Arkay Ardayad mar walba si Deg deg ah ilaahey u Barida, kuna Raagta (Daahda) Ducada! markaas ayaan u Imid waxana ku iri:- Adigu mar walba ilaahey ayaad Baridaa ee Maxaad Weydiisataa?, Gabadhii yareed waxay igu tiri:- Waxaan Maqlay in Ducada la Aqbalo Xiligaan, intaas oo Dhana ilaahey Hal Duco oo kaliya ayaan ku Celceliyaa oo aan Weydiistaa! waayo Hooyaday markay i Dhashay wax Dambe ma aysan Dhalin, markaas Anigana waxaan Murugoodaa marka Dadku ay ka Sheekaynayaan Walaalahooda, ilaaheyna waxaan Weydiistaa inuu Gabadh kale nagu Arzaaqo oo Wehel ii noqota, Hooyadeyna waxey i Dhahdaa Adigu Gabar baa tahay ee ilaaheey Wiil inooga Bari, marka imminka ayaan ilaaheey Baryaa si uu Wiil iyo Gabar noogu Arzaaqo iyo Wiil kale oo ka kale Wehel u noqda.
Haddaba, Muddo ka dib Macalimadii oo meel Waddo ah Mareysa ayaa waxaa ka soo Hor baxday Gabadhii yareed, waxayna ku tiri:- Macalin Ducadeyda Ilaah wuu ii Aqbalay oo Hooyadey Laba Maalin ka hor ayaa waxey Umushay Saddex Mataano ah, Labo Wiil iyo Gabar.
Maclimadii aad ayey u yaabtay, sida uu Rabbi uga Aqbalay Gabartaasi Ducadeeda, iyo sida ay Gabartaasi u Heshay Niyadeeda sidii ay ka Rabtay.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALOOW NAGA YEEL KUWII DUCADOODA LA AQBALAY).
W.Q:- Macoow Ustaad.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post