Qisadii Nabi Muuse iyo ninkii baarriga u ahaa hooyadii

Nabi Muuse CS ayaa waxuu Ilaahey weydiiyey:- Allow ii Sheeg Qofka Jannada igu Wehlin doona?, markaas ayaa Ilaahey u Sheegey in Muuse uu u Safro meel, meeshaasna uu ku Arki doono Ninka uga jawaabi doono Su'aashiisa.
Nabi Muuse CS sidii ayuu sameeyey meeshii la Amray inuu aado ayuu aadey, waxuuna la Kulmey Nin, Nabi Muuse CS,wuu iska Qariyey Ninkaa oo uma sheegin inuu yahey Nabi Muuse, Ninkii wuu soo Dhaweeyey isagoo u Maleeyo Nin Safar ah, Cunto ayuu u keeney, meel uu ku Nastana wuu siiyay. ka dib ayaa Ninkii u yeertay Hooyadiis, wuxuuna Muuse u sheegay iney u Waceyso Hooyadiis si uu u Caawiyo, ka dib Hooyadiis ayuu aadey oo Waayeel aheyd, si uu u Caawiyo.
Ninkii markuu Hooyadiis soo Caawiyay, ayey u Duceysay, kolaas Muuse wuu Maqlaayey hadalka Hooyada, balse ma uusan Fahmin waxa ay ku Hadleyso, ka dib markuu soo Laabtay Ninkii ayaa Nabi Muuse CS, weydiiyey oo ku yiri:- Hooyadaa Warkeeda maanan Fahmin ee maxey ku tiri ?, markaas buu Ninkii yiri:- Iska Daa, Waa Waayeel Warkeeda lama Fahmaayo, wax saas ah ma eysan Oran.
Laakin Nabi Muuse CS, wuxuu Ninkii ku Adkeestey inuu u Sheego waxey Hooyadiis ku tiri, markaas baa Ninkii yiri:- Wax kale ma Oranine, waxey tiri:- Ilaaheey hakaa Dhigo Wehelka Jannada ee Nabi Muuse CS, ee waxbo haka Fakirin waxaas, wax soconaayo mahan sideen u noqon karaa Qof u Qalma in Nabi Muuse CS, Jannada ku Wehliyo.
Nabi Muuse CS, ayaa ku jawaabey:- ilaah baan ku Dhaarteye waa Aniga Muuse, Ilaahey baana ii soo diray meeshaan si aan u Ogaado inaad Adiga tahay Qofka Jannada ugu Wehlinaayo. (Subxaanalaah).
Wabillaahi Towfiiq.
(ILAAHOOW JANNADAADA NA SII).
W.Q:- Macoow Ustaad.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post