asc waan idin salaamay inta kabacdi waxaan ahay
hooyo le ilmo yaryar oo joogta yurub waxan hayaa kaligey waan dul qaad
yaarahay waxan rabaa inaad ilahay daris iguducaaysan inan usamro
caruurta markay iga maqanyih waan kafakara marakay joogaan waanku
qayliay oo ma aamuso magaranayo sida ilmaha lo xananeeyo iga rali ahaada
hadi ad fahmi weeydo waxan qoray waxan inka raba wano iyo talo
-----------------------------------------------------
Jawaab
Ilaahay ayaan kaaga baryaynaa inuu ku siiyo deganaan iyo xasillooni,
teeda kale waxaa lagaaga baahan yahay inaad noqoto hooyo naxariis badan
oo carruurteeda marka ay bannaanka jiraan hooyada soo tabaya, taasna
waxaad ka heli kartaa inaad Alle ku xiranto aad badsato salaadda iyo
taqwada Alle oo aad tagto meelaha diinta laga barto aad dhegeysato
muxaadarooyinka diiniga, waayo carruurtaada haddii ay ku nacaan jidka
ayay kaagaha tagayaan siiba dalalka yurubta