Gabar Soomaaliyeed oo kun nin ka fiican

Sida aannu wada og nahay dadka soomaalida waa dad yaab leh oo noloshooda dhan ay ku dhisan tahay dhaleenteed, tusaale ahaan waxay sheegtaan inay yihiin boqolkiiba boqol islaam markaas ayay haddana isdilaan is takooraan is yasaan, shaqada kama helaan tuugsiga aad bay u jecel yihiin siiba markay  tagaan waddamada gaalada, sidoo kale qofka dadka hantidooda ka dhaco waa nin geesi ah oo qiime badan laakin ninka xamaaliga ah waa nin liito oo aan sharaf lahayn, dadka loo yaqaanay tumaalka oo biraha tumi jiray waa la yasi jiray laakinse maanta dadka yurub ku nool badanooda tuugsi bay ku nool yihiin haddaba yaa fiican dadka tumaalka ahaa oo shaqaysan jiray mise dadka iyaga iyo caruurtooda tuugsiga ku nool??!! runtii waa wax yaab badan oo aan la fahmi karin ninkii caqli leh mooyee, sidoo kale dadka hilibka qala waa la takoori jiray dadka dhaca iyo boobka ku noolaa waa la qiimayn jiray, dhabta markaan eegno dadka tumaalka ah waa dadka ugu ficnaa laakin gaalada markay dalkeena qabsadeen ayay dadka ku direen dadka tumaalka ah si loo takooro wax soo saarka, waayo sancada waxay ka bilaabanaysaa tumaalnimada maanta dalalka horumaray waa tumaal waayo birta ayay tumaan waxay ka sameeyaan gaari iyo diyaarad, dadka soomaaliyeed waa dad aad u xun oo sharaf lahayn oo been badan oo diin aan lahayn, waayo haddii ay diin lahaan lahaayeen 25 sano isma dili lahayn isma dhici lahayn diinta ma aha keliya in afka laga sheegto oo salaadda la tukado diinta waa in la wada qaataa oo lagu dhaqmaa oo laga fogaada naf in garddaro lagu dilo ama xoolo dad kale leeyahay in dulmi lagu qaato, dad badan ayaa maanta ku nool guryo aysan lahayn oo xoog ku haysta soomaaliya, markaas ayay salaadda tukadaan way soomaan !! oo ay xajka aadaan, gabadhan khayr Ilaahay ha siiyo waa gabar aad u caqli badan waxay dhaantaa kumanaan wadaado isku sheego oo Ilaahay qalbigooda ka buuxiyay qabyaalad qurun ah, 

daawo muuqaalkan waad yaabi doontaa


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post