Jacaylka iyo maskaxda maxaa ka dhexeeya Love and brain

Dadka marka ay soo qaangaarayaan aad bay ugu degdegaan waxa lagu magacaabo jacaylka, ruuxa markuu yaryahay uu arko gabar soo fiirinayso wuxuu u malaynayaa inay u dhimanayso, sidoo kale gabadha yar marka wiil ku yiraahdo waan ku jeclahay waxay u qaadanaysaa inuu dhab ahaan u jecel yahay, waxaas soo dhan waxay u noqonayaan da' yarida, qofka marka uu weynaado maskaxdiisa ayaa weynaanayso jacaylka aan soo sheegnay oo ku xiran da'da kuma  kadsoomayo, marka uu naag guursan rabo wuxuu eegayaa naagta ku habboon noloshiisa iyo naagta diinta iyo dabeecadda leh, la mid ma aha nin shan iyo toban jir ah midka gaaray soddon, sidoo kale kan ka sii weyn ayaa ka aqli badan oona waayo arag ah, beenta aad bay u qaataan dadka yar oo aan wali nolosha si fiican u arag, jacayl-ilmeed ayaa loo yaqaanaa jacaylka wiilasha iyo gabdhaha yaryar ku dhaco, si dhaqsina wuu ku baaba'aa.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post