Nin iyo xaaskiisa eeg jacaylka meesha uu la gaaray about love

Nin iyo xaaskiisa eeg jacaylka meesha uu la gaaray about love
Waxaa jiray nin iyo xaaskiisa, ninka wuxuu ahaa qof sabool ah, maalin maalmaha ka mid ah xaaskiisa waxay ka dalbatay inuu u soo iibiyo shanlo ay ku shanlayso timaheeda, waxay lahayd timo aad u dheer, ninkeedii ayaa si murugo leh u eegay iyada, wuxuu ku yiri : "waan kuu soo iibin karaa xitaa aniga saacadayda waxay u baahan tahay suun maqaar ah", naagtiisa lama doodin way iska dhoolcadysay maalinta ku xigtay markuu shaqada soo dhamaystay suuqa ayuu aaday wuxuu iibiyay saacaddiisa, lacag qiima jaban ayuu ku gaday markaas shanladii xaaskiisa u baahnayd ayuu soo gaday guriga ayuu soo galay isagoo shanlada gacanta ku hayo, markuu guriga yimid wuxuu arkay xaaskiisa oo timaha iska gaabisay oo gacanta ay ku hayso suun maqaar oo saacaddiisa ay ugu soo iibisay timaheeda, markuu arkay wuu ooyay iyaduna way oysay, qof kasta wuxuu u sameeyay kan kale wuxuu u baahnaa jacaylka dhabta ahna waa midkan

 ..
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post