Naxdinta caruurta children's shock




Inta badan carruurta ka imaanaysa dagaallada oo u soo banbaxay inay soo ordaan waxaa ka muuqata astaamaha naxdinta nafsadda:


Ilmaha yaryar u dhexeeya 0-2 sano : cuntadooda way xun tahay, way walwalayaan, waxaa adag in qalbigooda loo dejiyo ama wax loo taro, dhibaatooyinka hurdada ayay la kulmaan, sida la rabay uma koraan.


Caruurta ka weyn da'da 2-3 : (waxay qabaan astaamo kuwa dadka qaangaaray oo kale)


Xusuusta adag inta badan way soo noqnoqotaa, xusuus walwal keenta iyo cabsi ciriiri nafsi , baqdin, marka ay caruurta aad uga baqayaan xusuusyadan waxay u baahan yihiin goortaas gargaar.


Dhibaatooyinka hurdada iyo qarowga.

Dhibaatooyinka waxqabashada, - waxay noqonaysaa waxqabashada mid xun marka uu qofka si xun u hurday ama marka uu wax badan awood ah uu ku bixiyo xusuusta adag meeshuu ku bixin lahaa waxbarashada markuu iskuulka joogo.


Waa mid cabsi degdeg qaba oo baqaya – wuu baqayaa, wuxuu ka baqayaa cunugga codka dheer, buuqa, qaylada.

Cadowtinnimo

Xusuustii hore.

Dibudhac xagga dhaqanka tusaale ahaan, isku kaadinta aan la xukumi karin , dhuuqidda suulka, shaqada dhaqdhaqaaqa waxay noqonaysaa mid ka sii xun sidii hore.


Ku dhegdhegidda , walwalka kalatagga.


Xanuunka caloosha. Madax-xanuunka.


Ku taraxtagga firfircoonaanta


Dadka ayuu iska soocayaa.


Nasteexooyin laguu soo jeedinayo Aabbe ahaan


Caruurta ay ku dhacday naxdinta nafsadda adiga waxaa lagugu tiriyaa waalid ahaan kan ugu muhimsan cunugga ilaa uu ka dareemo xaalad fiican mar labaad, si uu u soo ceshado dareen nabadgelyo.

Sii cunugga waqti badan iyo daryeel, ilmaha yaryar waxay u baahan yihiin inay dareemaan dhowaansho.
U oggolow cunugga hadalka iyo sawiraadda.
Dhegeyso oo u oggolow cunuggaaga inuu su'aalo weyddiin karo iyo inuu ka jawaabi karo su'aalaha
U diyaargarow kalatagga
Xaaladda caadiga ah, iyo waxqabadka iyo isku xiridda.
Hurdada badan
Cayaarta waa daawo
Ha u oggolaanin cunuggaaga inuu fiirsado barnaamijyada talefiishanka oo ay ku jiraan dagaal iyo naxariisdarro

1 Comments

  1. Anonymous7/24/2015

    waa qoraal aad u qiima badan thanks

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post