Haku mashquulin faraca ee asalka ku dadaal

Haku mashquulin faraca ee asalka ku dadaal
Sida badan waxaannu arkaynaa in badan ka mid ha muslimiinta waxay qaadanayaan mas'lado farci ah oo aan wax tarin, waxay ku mashquuleen inay ka sheekeeyaan waxyaabaha karaahiyada ah iyo waxyaabaha sunnada ah, iyo arrimo ay fuqahada in badan isku khilaafeen, iyagoo waxba ka ogayn faafidda waxayaalaha xaaraanta ah iyo dacynaanta faradka iyo waajibaadka.


Khilaafaadkan ku sugan sunnooyinka iyo nawaafisha iyo in lagu xeeldheeraado oo lagu xadgudbo waxyaalaha shakliga ah ee nolol maalmeedka waxay keenayaan inay dayacmaan ujeeddoonyinka iyo macaanida, iyo juhdiga iyo waqtiga iyo in la sii ballaariyo khilaafka muslimiinta, taasna waa arrin khilaafsan farriimaha shareecada, Alle wuxuu yiri:


{وَأَطِيعُوا اللَّهَ وَرَسُولَهُ وَلَا تَنَازَعُوا فَتَفْشَلُوا وَتَذْهَبَ رِيحُكُمْ} [الأنفال:46].


“ Ilaahay iyo rasuulkiisa adeeca oo ha is khilaafina, waayo waad fashilmaysaan awooddiinuna way tagaysaa ”
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post