Islaamka siduu nidaamka ugu dadaalo

Haku mashquulin faraca ee asalka ku dadaal
Islaamku waa diinta nidaamka iyo xeeldheeraanta iyo habaynta masaalixda iyo horreysiinteeda, laakinse xaalka muslimiinta wuxuu cagsi ku yahay wixii shareecdu musaamaxada badan ay sugtay, mawaasiinta ayaa hallaawday, dad ayaa soo baxay oo ka hormariya waxa raajaxa ah wixii laga raajaxsan yahay, waxay ka faddilayaan sunnnada wixii faradka ah, isburin yaab leh ku ah wixii ay awaamirta islaamka iyo mabaadi'diisa ugu yeereen, qaarkooda waxay qaateen xagga camalka manhaj oo naftooda ku dhibaan arrimo aan faa'ido lahayn, faa'ido rasmi ah aan bulshada ka helaynin daraasayntooda iyo juhdi in lagu bixiyo, iyo in la daraaseeyo waxa aan jirin daraaseyntiisa oo aan dan laga lahayn, Nabiga – naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee- waxaa la weyddiiyay : saacddu waa goorma? Wuxuu u jawaabay : Maxaad u diyaarsatay? Sidaas oo kale Alle –cazza wajalla- ayaa ku yiri kitaabka uu soo dejiyay :


{ يَسْأَلُونَكَ عَنِ الْأَهِلَّةِ قُلْ هِيَ مَوَاقِيتُ لِلنَّاسِ وَالْحَجِّ [البقرة: 189]؛


“waxay ku weyddiinayaan bilaha, ku dheh: waxay waqtiyo u yihiin dadka iyo xajka”.


Sharcidejiyaha sharafta badan wuxuu ku dadaalay camalka hadalka ka sokow, su'aalaha waxay ku saabsanaayeen waqtiga qiyaamaha iyo qaabka bilaha laakin jawaabtu waxay ahayd xagga camalka.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post