Kala horaynta maqaasida shareecada

Kala horaynta maqaasida shareecada
Ogaanshahaujeeddooyinka shareecada ee waaweyn iyo fiqiga kala mudnaantooda waxay ka mid yihiin waxayaalaha ugu muhimsan oo casrigan aannu noolnahay uu rabo.


Ujeeddooyinka shereecada waxay u qaybsamaan xagga muhimnimadooda seddex qaybood oo asaasi ah.


1- Daruuriyaadka


2- Baahiyo fudud


3- Dheeraadyo


Seddexdaas qaybood ee ujeeddooyinka nidaamintooda waxay ugu heshiiyeen dadka sida la soo dhaafay, waayo nidaamintan xagga kala mudnaanta waxay raacdaa baahida daran loo qabo qayb walba kuwaas ka mid ah, waa waxa uu ku sheegay Imaam Al-ghazaali :


Awoodda ku sugan maslaxadda lafteeda wuxuu yiri: maslaxadda marka loo eego awooddeeda ayada lafteeda ku sugan waxay u qaybsantaa wax booska daruuriyaadka taagan iyo wax booska baahiyada fudud taagan iyo wax la xiriira dheeraadyada iyo quruxda, waxay ka haraysaa sidaas oo kale booska baahiyada fudud, qayb kastana waxaa ku xiran wixii u noqon lahaa dhammaystir[1].


Waxaa ugu muhimsan darajadahan daruuriyaadka, maxaayeelay way kooban tahay waa asalka ujeeddooyinka, waxay ka mid tahay darajooyinka maqaasidda ugu muhimsan oo la xiriira fiqiga fardiga iyo fiqiga ummadda


Daruuro luqad ahaan waxay ka timid baahi daran taasina ah in loo baahdo wax, waxaad leedahay daruuro ayaa igu xambaartay hebel daruuro ayaa u geeysay sidan iyo sidan, Alle –cazza wa jalla- oraahdiisa :


{فمن اضطُرّ غيرَ باغٍ ولا عادٍ} ]البقرة: 173 [


“Ruuxiise dhibaatooda (baahan) oon xadgudbin dulmina galin korkiisa dambi ma saarna (inuu) wax ka cuno”


Qofka loo dhibaato geliyo inuu bakhti cuno iyo wixii laga xarrimay oo dhib galay, qadar uu ku noolaan karo ha ka cuno, asalka daruurada waa dhibaato iyo ciriiri.


Qeexidda daruurooyinka waxa u degsan culimada usuulka wuxuu ku qeexay Al-ghazaali iyo Al-raazi iyo Al-isnawi iyo Al-subki inay tahay: (masaalixda xafidaysa ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka shanta ah, taasoo ah ilaalinta diinta iyo nafta iyo caqliga iyo hantida iyo nasabka).


Kulliyaadkan shanta ah waxay lagama maarmaan u tahay inuu nidaamka caalamka sii jiro iyo ilaalintiisa, sidaa awgeed Zarkashi iyo shaadibi waxay sheegeen in shareecadaha kala duwan aysan isku khilaafin kulliyaadkan wuxuu yiri Zarkashi : (midka koowaad waa daruuriga waa midka keenaya ilaalinta ujeeddo ka mid ah ujeeddooyinka shanta ah oo aysan isku khilaafin shareecadaha, balse waxay isku waafaqsan yihiin in la ilaaliyo)[2].


Waxaa nagu waajib ah inaaannu caddeyno waxa Alle uu ka rabo addoomihiisa inay yihiin cabaadadiisa iyo koonka in la cammiro iyo nafta insaanka oo la kallifay in la dahiriyo, seddexdaan waa waxa ay culimadu ka ogaadeen fiirfiirinta nusuusta, waxay u cuskanayaan arrintaas oraahda Alle:


{وما خَلَقتُ الجِنَّ والإِنسَ إِلَّا لِيَعبُدُونِ} [الذاريات:56]


“jinka iyo insiga uma abuurin inay aniga i caabudaan mooyee“


Iyo oraahda Alle :


{هو أَنشَأَكم مِنَ الأَرضِ واستَعمَرَكم فِيها} [هود:61]


“Ilaahay waa midka dhulka idinka abuuray ee idinku camiray dhexdiisa”


Waxaa laga wadaa wuxuu idinka dalbay camiridda dhulka , waayo alifka iyo siinka iyo ta'da ku jira ereyga "استَعمَرَكم"waxay tilmaamayaan dalab.


Iyo oraahda Alle:


(قَدْ أَفْلَحَ مَنْ زَكَّاهَا) [الشمس:9]


(Waxaa liibaanay qofka naftiisa dahiriya).



[1] - Al-mustasfa – Al-ghazaali, bogga 174


[2] - Al-baxr al-muxiid ee uu leeyahay Zarkashi 7/265
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post