Ujeedooyinka laga rabo dadka qaangaaray

Ujeedooyinka laga rabo dadka qaangaaray
Ujeeddooyinka dadka la kallifay marka la dabagalay waa shan lilaalinta, lilaalinta nafta, lilaalinta caqliga lilaalinta diinta, lilaalinta cirdiga , -qaar waxay ku tilmaamaan taranka qaarna waxay ku tilmaamaan sharafta insaanka -iyo ilaalinta maalka - qaar waxay ku tilmaamaan lahaanshaha- shantan ayaa ah ujeeddooyinka dadka la kallifay xagga shakhsiyaasha iyo ummaddaba.

ilaalinta Nafta

ilaalinta nafta fiqiga shakhsiga waxay munaasib u tahay in la xarrimo nafta aadanaha in la gooyo si xaq la'aan ah Alle wuxuu yiri:

{مَن قَتَلَ نَفسًا بِغَيرِ نَفسٍ أو فَسادٍ فِي الأَرضِ فكَأَنَّما قَتَلَ النّاسَ جَمِيعًا ومَن أَحياها فكَأَنَّما أَحيا النّاسَ جَمِيعًا} [المائدة:32].

{ qofka xaqdaro ku dila naf ama dhulka fasaadiya waxa uu ka dhigan yahay qof dadka oo dhan dilay, qofka bad-baadiya naf waxa uu ka dhigan yahay qof dadka oo dhan nooleeyay}.
Laakin ilaalinta nafta marka ummadda loo eego waxay ka shaqeynaysaa midnimadeeda iyo awooddeeda iyo kobcitaankeeda, arrinkan wuxuu u baahan yahay fahan kale oo aan arkayno isagoo agagaarkeena lagu qorayo isagoo ka soo fulaya tusaalooyin aqooneed kala duwan muhimna aan sii ahayn inay tusaalaha islaamka wataan, waa arrinka lagaga hormariyo maslaxadaha shakhsiga masalaxadda ummadda, waxaa u soo galaya fuleynimo iyo tabardarro, waxaannu arkaynaa xaaladda markii wax yar ka soo wareegsado annagoo nafteena ka gaabinay iyo xuquuqdeena, oo kordhisanay kalatag iyo tabardarro, haddii ay maslaxadda ummadda arrinteena ugu muhimsanaan lahayd xaalka wuu isbaddali lahaa, mustqbalkana wuxuu fiicnaan lahaa.

ilaalinta Caqliga

Ilaalinta caqliga waa xaq gaaraya xeerka waajibka, waa xaaraan caqliga in la tegsiiyo xagga fardiga in lagu tagsiiyo khamri ama maandooriye, laakin sidoo kale waajib waxaa ku ah ummadda waxbarsho iyo waxbarid baxsi cilmi ku dhisan, haddii laga gaabiyo arrinkaas waxaa laga soo qaadayaan ka gaabinta ujeeddooyinka dadka takliifka saaran, arrinkan wuxuu na geynayaa barta muhimadda shaqada, waxaan la oggolaanayn ummadda iqra inay kasi weydo wax akhris, ummado kale waxay awoodeen inay ka takhalusaan umminimada higaada, umminimada higaada inkastoo ay tahay waxayaalaha ugu fudud haddana ummadda waxaa laga rabaa inay iska suuliso qaababka kale ee umminimada, sida umminimada siyaasadeed, xadiiska rasuulka waxaa ku soo arooray :


«مَنْ لَمْ يَهتَمَّ بِأَمْرِ المُسْلِمِينَ فَلَيْسَ مِنْهُمْ»


(qofkaan ka fikirn arrinka muslimiinta ka mid am aha)[1]. Tan waa marka lagu daro umminimada figriga iyo tignoloojiyada ilaa meelaha figriga iyo horumarka iyo sarreynta.


ilaalinta Sharafta


Waxay ku tilmaamaan fuqahada ujeeddo kale kulli ah oo ka mid ah ujeeddooyinka shareecada sare ilaalinta cirdiga, qaarna waxay ku sheegaan ilaalinta taranka, qofka hadalkooda si fiican u eega wuxuu garanayaa inay ula jeedaan xaalad ama hadaf oo aan ku tilmaanno aqoonteena hadda jirta marka loo eego karaamada insaanka , waxaa laga soo qaaday Alle oraahdiisa:

{وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آدَمَ}[الإسراء:70]


“ xaqiiqo ahaan waannu sharafnay banii aadanka”

aayaddu waxay tilmaamtay dadka oo dhan in la sharfay, rag iyo dumarba, yar iyo waynba, cadaan iyo madawba, muslim iyo gaalba si kalasooc la'aan.

Fuqahada markay ka hadleen xuquuqda qofka waxay ka dhigeen qayb ka mid ah ilaalinta sharaftiisa, arrimaha doorashada degaanka iyo guuridda iyo shaqada iyo hadalka iyo caqiidada iyo siyaasadda iyo arrimo kaleba, waxay ka mid yihiin ilaalinta karaamada insaanka, xuquuqda xagga mufakiriinta islaamka waxay gaaraysaa heerka waajibka, waa waxa uu kaga soocan yahay fikirka islaamiga waxyaalaha kale, sidaa awgeed xaqqa noolaanshaha wuxuu noqday waajib, waxaa xaaran ah in dil la isugu xadgudbo iyo sidoo kale isdilka.


[1] - waxa soo saaray dabaraani, kitaabka (Al mucjim al awsad 7473)


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post