Pro Ali Joma Mohammed

Ali joma
أ.د. علي جمعة محمد
Taariikh nololeed

Qeexid
Cali Jumca Maxamed Cabdilwahaab Saliim Cabdullaahi Salmaan
Wuxuu ku dhashay  gobolka  «Benii Suweyf» oo ka mid ah saciid Masar, maalintii Isniinta, bisha toddobaad ee jumaadaa al-aakhir 1371 H., taas oo ku aaddan bishii saddexaad ee maarso 1952.
Jagooyinka uu qabtay:
Waa xubin ka mid ah culimada sare, waa ustaad usuul fiq Kulliyadda daraasaadka Carabiga  iyo Islaamka ee Jaamacadda Al -Azhar ee Qaahira, iyo wuxuu ahaa Muftiga hore ee Masar, iyo xubin ka tirsan Majmaca baxsiyada Islaamiga ee raacsan   Al-Azhar Al-Shariif, iyo xubin ka tirsan golaha Fiqiga ee ururka caalamka Islaamiga ee Jeddah, wuxuu madax ka yahay goloaha xoghayeyaasha masar alkhayr taasoo lagu tiriyo ururada shaqada khayrka midda ugu weyn ee dalka Masar

Kutubtiisa waxaa ka mid ah:
kutub badan ayuu qoray Carabi iyo Englishba ah, kuwaas oo dhaafay  toddobaatan buug, usuul fiqi fiqiga iyo caqiidada iyo tasawufka iyo fikirka Islaamiga ah, sida qiyaaska usuuliyiinta xaggooda, Imaam Shaafici iyo iskuulkiisa fiqiga, fatwooyinka guriga Muslimka, tarbiyada iyo dhaqanka, iyo ilaalinteeda xagga aragtida Islaamka, iwm, sidoo kale wuxuu taxqiijiyay wax ka  badan afartan buug , wuxuu ka qaybgalay diyaarinta mowsuucado cilmi ah oo tiro badan sida mowsuucada islaamiga guud  mowsuucada culuumta xadiiska iyo mowsuucada fataawaha mucaamalaadka islaamiga ee bangiga iyo hay'adaha  maalka iwm., iyo sidoo kale wuxuu ka qayb qaatay diyaarinta majallooyinka tacliinta sida majallada Muslimka casriga  iyo cusboonaysiinta iyo aqoonta Islaamka, iwm, oo wuxuu ka soo qeybgalay shirar badan oo cilmi ah (oo gaaraya boqol iyo konton shir), oo uu ku soo bandhigay baxsiyo in ka badan soddon dawlad.
Wuxuu diyaariyay maqaalo lagu faafiyay wargaysyada adduunka oo ay ka mid yihiin New York Times iyo Washington Post iyo wargeysyada maxaliga ah sida Al-ahraam iyo              Al-wafdi  iyo Masri-alyowm,  wuxuu kaalin ka gaystay mashaariic badan oo cilmi ah sida gelinta buugaagta sunnada kombuyuutarka, iyo sameynta barnaamijyada soo celinta, iyo daabicidda  kutubta  toddobada ah jamciyadda almaknaz al-islaami  (19 Mujallad) iyo kuwa kale , wuxuu ishraafay wax  ka badan boqol risaalo  master iyo  Ph.D. ee jaamacadaha Masar iyo kuwa islaamka, sanadihii ugu danbeeyay.
------------------------------------


تعريف:
علي بن جمعة بن محمد بن عبد الوهاب بن سليم بن عبد الله بن سلمان.
ولد في مدينة «بني سويف» من أعمال صعيد مصر، في فجر يوم الاثنين الموافق السابع من شهر جمادى الآخر سنة 1371هـ، الموافق الثالث من شهر مارس سنة 1952م.

الوظائف التي تولاها:
عضو هيئة كبار العلماء واستاذ أصول الفقه بكلية الدراسات العربية والإسلامية بجامعة الأزهر بالقاهرة، ومفتي الديار المصرية السابق، وعضو مجمع البحوث الإسلامية التابع للأزهر الشريف، وعضو مجمع الفقه التابع لمنظمة المؤتمر العالم الإسلامي بجدة، ويترأس فضيلته مجلس أمناء مصر الخير والتي تعد من أكبر مؤسسات العمل الخيري في مصر

من مؤلفاته:
له العديد من المؤلفات العربية والانجليزية والتي تجاوزت السبعين مؤلفاً في أصول الفقه والفقه والتصوف والفكر الإسلامي مثل القياس عند الأصوليين، الإمام الشافعي ومدرسته الفقهية، فتاوى البيت المسلم، التربية والسلوك، البيئة والحفاظ عليها من منظور إسلامي وغيرها، كما قام بتحقيق ما يزيد عن أربعين مؤلفاً، وشارك فضيلته في إعداد العديد من الموسوعات العلمية مثل الموسوعة الإسلامية العامة وموسوعة علوم الحديث وموسوعة فتاوى المعاملات المالية للمصرف والمؤسسات المالية الإسلامية وغيرها،وشارك كذلك في إعداد المجلات العلمية الأكاديمية مثل مجلة المسلم المعاصر والتجديد وإسلامية المعرفة وغيرها،وحضر العديد من المؤتمرات العلمية (نحو مائة وخمسين مؤتمرًا)، وقدم بها أبحاثا في أكثر من ثلاثين دولة.
وله مقالات منشورة في العديد من الصحف العالمية كنيويورك تايمز وواشنطن بوست والصحف المحلية كالأهرام والوفد والمصري اليوم، وشارك فضيلته في العديد من المشروعات العلمية الضخمة مثل إدخال كتب السنة بالكمبيوتر، وعمل برامج الاسترجاع، وطباعة الكتب السبعة بجمعية المكنز الإسلامي (في 19 مجلدا) وغير ذلك، وأشرف فضيلته علي ما يزيد عن مائة رسالة ماجستير ودكتوراه في العديد من الجامعات المصرية والإسلامية، في السنوات الأخيرة.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post