Aadaabta udxiyada loo gowraco

neefka
Waxaa la rabaa marka la biraynayo neefka in la qaato aadaab loo dejiyay arintaas, waxaa ka mid ah waxayna soo hoos galaysaa axkaamta udxiyada guud ahaan :
  1. qiblada in loola jeesto marka la gowracayo
  2. gowricidda in la wanaajiyo taas oo ah in middida si fiican loo afeeyo, waana waawjib arrinkan maxaayeelay xaaran waaye in la ciqaabo xayawaanka la biraynayo.
  3. geela in la gowraco iyadoo istaagan waxa kalena jiif lagu gowraco.
  4. inuu si fiican u jaro qoorta ilaa halbawlaha uu ka go'o
  5. inuu ka qariyo middida neefka uu gowrici rabo, sidoo kale neef inuuna ku hor qalin neef kale isagoo u jeedo.
  6. inuu magaca Alle xuso marka uu gowracayo, marka uu gowracana kaddibna inuu Allaahu akbar dhaho.
  7. ilaa uu ka naf baxo inuu maqaarkiisa siibin ama laf ka jabinin
 Da'da laga rabo inuu neefka jiro marka udxiyo ahaan loo qalayo

geela waxaa ugu yar shan sano, lo'dana labo sano, ari cadkana hal sano, idahana lix bilood, waa inaysan il ama lug ka maqanaynin ama aysan ceeb kale oo hilibka dhib u keeni karta ayna lahayn.

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post