Aqoon mar hore ayaa la amaanay ma sinna
qof waxbaranin iyo qof wax bartay, jahliga waxaad ogaataa inuu yahay
cadow nolosha waxay u baahan tahay aqoon iyo iftiin soomaalida horay
ayay u dhaheen la’aan waa iftiin la’aan.
Sideed ku noqon karaa qof aqoon yahan ah?
Sabar iyo dadaal ayaa ka horreeya wax
walbo qiime leh, siiba aqoonta waxay u baahan tahay in loo soo jeedo
habeen iyo maalin, waxay rabtaa dhafar iyo dhibaato in loo maro,
rafaadka raaxo ayaa ka dambaysa, haddii aad tahay qof aqoon leh dadka
aad bay kuu qiimaynayaa, waxaad tagaysaa meel aan dad kale gaari karin.
Ninka soomaaliga ugu horreeyay jacaamacd
ka dhiga dalka masar gaar ahaan jaamacadda qaahira ugu weyn dalkaas waa
nin soomaali ah oo jaamacadda al-azhar ka baxay magaciisu waa Muumin
Yuusuf waxaa la sheegay intuusan tagin ninkaas jaamacadda waxaa meesha
tagay afar qof soomaali ah awood waxay u lahaan waayeen inay af
soomaaliga dhigaan, waayo aqoontooda ma gaarsiisanayn heerka la rabay
markaas ayay ku fashilmeen, marka uu tagay ninkan wuxuu noqday nin
meesha aad loogu kalsoon yahay, wuxuu soo celiyay sharafta soomaaliya oo
dhan, waayo aqoonta waa sidaas waxay leedahay qiime sharaf badan qofka
aqoonta leh, siyaabo badan ayuu u arkaa waxyaalaha hortiisa taagan.
raga iyo dumarkaba waa laga rabaa inay
bartaan, diinta islaamka waxay ugu yeertay waxbarashada aayadda ugu
horraysay soo degto waxay amartay in wax la akhriyo, qofka markuu wax
akhriyo kutubta si fiican u fahmo aqoon sare ayuu yeelanayaa.
aqoonta maxaa dhib u keeni kara?
haddii qofka uu rabo inuu ku liibaano
aqoonta uu bartay ha noqdo mid daacad ah oo da Alle u baranaya waxa uu
baranayo, dood waa inuu ka fogaadaa, kibirka waa inuu ka dheeraadaa,
faankana waa inuu ka fogaadaa, markaas ayuu noqon karaa qof aqoontiisa
wax u tarayso.
jaamacad lacag la’aan ayay helaan dad
badan soomaali ah laakin waxay ka doorteen tahriib ama hurdo, dalka
masar magaalada qaahira waxaa tagay dad badan soomaali ah oo helay minxo
waxbarasho ah, way yaryihiin dadka ka soo baxay kaalinta waxbarashada,
badankooda waxay noqdeen dad qoxooti ka noqdka unka ama dad tahriibay,
ama dad hurdo iyo wareeg iyo waabo tiris ku mashquulay.
aqoonta waxaa lagu gaari karaa sabar dadaal daacadnimo dulqaad.
sidoo kale aqoonta iyo nabadda way isku xiran yihiin soomaali sababta ugu weyn ay nabad uga dhici la’dahay waa jahliga.