Dadka soomaalida ayaa aad ugu faafiyay sawirada gawaarida ay siisay dowladda soomaaliya, taas oo ay ku tilmaameen baabuurtaas inay tahay baabuur 1920kii la adeegsan jiray, marka sidaa awgeed waa ceeb inaan ka qaadano dowladda masar, taasi waxaanu leenahay anaga maxaa inoo diiday inaan dadka wax siino? sadaqa keliya maxaan u rabnaa inaan ku noolaano? waa ceeb inaan dhamaanteena ka fikirno tuugsi iyo dhuuninimo, maanta boqolkiiba 90 soomaali waxay ku nool yihiin cayr mid toos u qaadanaya iyo mid ka helaya cayrtaas midka la soo siiyay oo lagu soo sadaqaystay, umaba aragno lacagta aan ka qaadanayno dalalka gaalada inay maskiinnimo tahay maigaa na dhalay marka ay lacag na siinayaan cayrta aad qaadato waa lacag tuugsi aad ku qaadato marka waxaad caynaysaa miyaa gawaari lagu siiyay oo dal carbeed ku siiyay, masar iyadaaba faqiir ah waxayna ku siisay maanta gawaari adiga ma garanaysid miyaa wax aan ahayn tuugsi iyo sadaqo.