Madaxweynaha turkiga Erdoghan waa la wada og yahay inuu yahay nin raba inuu turki islaam u baddalo oo ka tirtiro calmaaniyada ku habsatay dalkaas, waxaa la sheegaa maalin ayuu u yimid hooyadiisa markuu madax noqday kaddib waxay ku tiri adiga waxaad noqotay madaxweyne marka ma aha inaad luga iga dhunkato sidii hore oo kale markaas ayuu ugu jawaabay jannada miyaa laga mamnuucay dadka madaxda ah?