Jacaylka raga iyo dumarka dhex mara raga badankooda caadi buu la yahay, ninka wuxuu fiirinayaa raaxada uu ka helayo naagta, laakin gabadha waxay eegaysaa waxa ay heli doonta xagga guurka mustaqbal ahaan, ninka wuxuu garanayaa sida naagta uu ugu cayaaro, waxaan kuu sheegaa sheeko yaab badan taas oo ah naagaha marka la shukaansado oo been lagu cabo ninka ay la dhacaan ninka wuxuu niyaddiisa ku leeyahay aleele maxaa jira naagtaan way kuu jajaban tahay markaas ayuu ku baashaalaa wuxuu ku samaynayaa wax kasto uu rabo, marka muddo uu la socdo wuxuu raadinayaa naag uu guursado marka la waydiiyo oo lagu yiraahdo ninyahow adiga naag ayaad la socotay maxaad naag kale u raadinaysaa jawaabta uu bixinayo ma malaysan kartid wuxuu leeyahay gabar jirkeeda ii ogolaatay inaan ku raaxaysto mustaqbal ii noqonmayso.