siiyo billado badan waa gabar ka fiican malaayin dad waa Ubax Cabdiraxmaan oo ku nool dalka Sacuudiga
waxay tahay shaqadeeda inay dadka dhibaataysan wax u qabato gaar ahaan dadka soomaaliyeed, waxau
dhafartaa dadka jirran inay maanta lacag u soo ururiso waqtigeeda qaaliga ah waxay ku bixisaan
waxtarka ummadda, waannu ognahay qofka muslinka ajarka uu ka helayo markuu qof dhibaataysan gacan
qabto, waxaa aad u sii yaab badan dad badan facebook waqtigooda ayay ku lumiyaan laakin Ubax waxay ka
dhigtay facebook meel kahayr lagu faafiyo, aduunka camalka ugu fiican waa nin miskiin in wax loo qabto
dhibka laga qaado, ubax waxa ay soomaalida u hayso Ilaahay ajar iyo xasanaad ha ku siiyo, waxaa aad u
yaab badan in dadka qaarkii aysan ogayn qiimaha gabadhan oo ka fiican kumaan rag oo maanta qaxwooyinka
fadhiya, waxaan idin leeyahay Ubax Cabdiraxmaan hala taageero hala garab istaago iyada oo kale waa in
inaan helnaa si ummadda soomaaliyeed meel sare u gaarto, waxaan ku leenahay ubaxeey dadka soomaalida
dhan way ku jecel yihiin jidka aad hayso waa jidka islaamka ugu jecel yahay horay u soco ha maqlin dad
jaahiliinta ah oo aflagaadada badan waxaad gaari doontaa meel dadka oo dhan inay gaaraan ay tamanin
doonaan, waxaan ka codsanayaa qof kasta soomaali ah waa inuu faafiyaa hadalkan oo kahayrka loo qasdayo
ajar baad ka helaysaa sidaa la soco. waxaa laga rabaa qof kasta annaga naga mid ah inuu kor u qaado dadka sidan u wanaaga badan, taas waxay keenaysaa in bulshada soomaaliyeed meesha laga rabay gaarto, waannu ognahay diinta inay na fartay qofka dhibaataysan in gacanta aan ka qabano sidoo kale waxaad fahmaysaa inay tahay Ubax qof dalkeeda jecel wadaniyad dhab ah, mar kasta waxay ka hadlaysaa dalka hooyo iyo shacabka soomaaliyeed si wax loogu tari lahaa.
qof raba inuu facebook kala socdo waxqabadkeeda kan waa cinwaankeeda
https://www.facebook.com/ubaxabdirahman.ibraahim
maa shaa allaah ilay khayr ha siiyo
ReplyDeleteWalaasheena waxaan ku leenahay nolow waar
ReplyDeleteUbax jazakallaah waxaan kuu rajaynayaa mustaqbal fiican
ReplyDeleteQuruxley oo wanaag iyo khayr isku darsatay yaa heli karo abaayo Ilaahay haku xafido
ReplyDelete