Nin Soomaaliyeed naagtiisa muddo kadib ogaaday inay labo ilmo nin kale ka keentay

 Qiso nin muddo kaddib ogaaday afar ilmo inuu labo isaga dhalin.

Taasna waxaa sabab u ahaa cunug yar tagsi looga tagay.

Qisadan oo ka dhacday waddan ka mid ah waddamada Yurub.

Nin Soomaaliyeed naagtiisa muddo kadib ogaaday inay labo ilmo nin kale ka keentay

Nin Soomaaliyeed tagsiile ah, maalin maalmaha ka mid ah waxaa tagsiga usoo fuushay haweeney soomaaliyeed oo cunug yar wadato.

Waxay tiri meeshan ii jooji wax yar i sug waan kuusoo laabanaa, cunugganna halkan ha iisii joogo, kursiga gadaal ayay uga tagtay.

Markaas ayay ka dhuumatay, nink wax badan ayuu sugay naagtiina ma imaanin, cunuggii wax badan ayuu ooyay.

Ninkii wuxuu sameeyo ayuu waayay, kaddib wuxuu go'aansaday inuu cunugga xaaskiisa u geeyo ilaa laga helayo hooyadiisa.

Marka xaaskiisa wuxuu u faafaahiyay cunuggan sida tagsiga loogu dhextagay.

In naag ay wadday oo ka dhuumatay.

Naagtiisa waxay ku qanacday hadalkiisa way oggolaatay inay cunugga hayso ilaa laga helayo hooyadiisa ama ilaa boliiska laga gaarsiiynayo.

Marka iyadoo cunugga hayso oo ku faraxsan oo cayaarsiinayso ayaa u yimid dumar saaxiibo ay yihiin, waxay weyddiiyeen cunuggan yaa kuu dhalay?

Markaas arrinta ayay u sheegtay.

Waxay dhaheen sidee ku rumaysatay ninkaaga, ragga way been badan yihiine, waxaa laga yaabaa cunuggan inuu isaga dhalay oo naag kale uu ka dhalay oo ay usoo  tuurtay?

Markaas ayay shakisay waxay go'aansatay inay ku qabsato ninkeeda.

Markuu yimid ayay dood ku furtay iyadoo leh cunuggan naag kale ayaa kuu dhashay maxaad beenta u sheegtay oo igu tiri tagsiga ayaa looga tagay.

Markaas ayuu u dhaartay inuusan been u sheegin, laakin way aamini waysay, waxaa maskaxdeeda ka guuxayay hadallada dumarka saaxiibayaasheeda ay ku dhaheen.

Doodda aad ayay u siyaadday, heer waxay ku sigteen inay is furaan.

Naagta waxay dalbatay in cunugga la baaro in isaga dhalay iyo in kale

Ninkii wuu oggolaaday maxaayeelay wuxuu hubaa inuusan dhalin.

Markaas ka kaddib waxaa la dalbay boliiska, waxaa loo bandhigay arrinta.

Laakin arrin cajiib ah ayaa dhacday, taas oo xaaladda daba rogtay.

Ninka wuxuu lahaa afar carruur oo xaaskiisa ay u dhashay.

Markii ay yimaadeen dadkii ku howlanaa baaritaanka ilmaha waxay wada kaxeeyeen aabbihii iyo ilmaha uu dhalay iyo cunuggii lasoo helay.

Waxay aadeen xaruntii caafimaadka dii en eega lagu baari lahaa.

Waxaa la wada baaray dhammaantooda.

Waxayna ahayd in la baaro ninka iyo cunugga lasoo helay kaliya, laakin si qalad ah ayaa dhammaantooda loo wada baaray.

Markii lawada baaray natiijada waxay noqotay si lama filaan ah.

Shantii carruur, afartii isaga dhalay iyo kii laysku haystay waxaa soo baxday in uusan dhalin seddex carruur, ilmihiisa labo ka mid ah maba uusan dhalin labo kaliya ayuu dhalay, kii laysku haystayna waxaa soo baxday isaga inuusan dhalin.

Meesha waxaa ku caddaatay in ay naagtiisa labo ilmo nin kale ay ka keentay ee ninkaan ay u tiirisay.

Ninkii aad buu u naxay wuuna xanaaqay, arrinta ayaa la weynaatay, markii xaaskiisa uu wajahayna way qiratay meesha ayuu ku furay.

Qisadan waxaa laga qaadanayaa qofkii khiyaano wato maalin uun buu bannaanka iskeenaa.

Cunuggan ayaa sabab u ahaa naagtan in la ogaado khayaanadeeda inay ninkeeda been u sheegi jirtay oo rag kale ay hoos ka wadday.

Teeda kale dumarka saaxiibada ama deriska badankooda waxay ka taliyaan guryaha inay dumiyaan, haddii naagtan aysan warkooda maqli lahayn oo ay ninkeeda ku kalsoonaan lahayd khiyaanadeeda mala ogaan lahayn.

Translation of the Story into English:

A Story About a Man Who Later Discovered That Out of Four Children, Only Two Were His

This happened because of a small child left behind in a taxi. The story took place in one of the European countries.

A Somali taxi driver was approached one day by a Somali woman carrying a small child. She said, "Stop here for a moment, wait for me—I’ll be right back. Just leave the child here." Then she placed the child in the back seat and walked away.

The man waited for a long time, but the woman never returned. The child cried endlessly. Not knowing what to do, the man eventually decided to take the child to his wife until the mother could be found.

When he explained to his wife how the child had been left in the taxi by a woman who disappeared, his wife agreed to keep the child temporarily, either until the mother was found or until they could involve the police.

While she was happily playing with the child, some of her female friends visited and asked, "Who gave birth to this child for you?" She explained the situation.

They responded, "How can you trust your husband? Men lie a lot. Maybe this is his child from another woman, and she abandoned it with him."

This made her suspicious, and she decided to confront her husband. When he came home, she angrily accused him: "This child is yours from another woman—why did you lie and say it was left in a taxi?"

He swore he was telling the truth, but she no longer believed him. Her mind was poisoned by the words of her friends.

The argument escalated to the point where they almost divorced. The wife demanded a DNA test to confirm whether the child was his or not.

The husband agreed because he was certain he was not the father. The police were called, and the case was presented.

But then something shocking happened, turning the situation upside down.

The man had four children with his wife. When the authorities came for the DNA testing, they took samples from the father, his biological children, and the abandoned child.

They went to the medical facility where the tests would be conducted. All of them were tested—though the plan was only to test the man and the abandoned child, by mistake, everyone was tested.

When the results came back, the outcome was unexpected.

Out of the five children—his four biological children and the abandoned one—it turned out that he had not fathered three of them. Only two were his. The abandoned child was also not his.

It became clear that his wife had brought two children from another man and passed them off as his.

The man was furious and heartbroken. The situation became even more serious, and when he confronted his wife, she was exposed in front of everyone.

Lesson from the Story:

  • "The one who betrays will eventually be exposed."

  • This child was the reason the woman’s infidelity was revealed—she had been lying to her husband and secretly seeing other men.

  • Additionally, many friends and relatives often give bad advice that destroys households. If this woman had not listened to them and had trusted her husband, her betrayal might never have been discovered.

Moral: Deceit may hide for a while, but the truth always comes to light.

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post