Waa sheeko si run ah u dhacday, waxaa cibro ugu jirto gabdhaha yaryar hadda nimanka shukaansanaya, shukaansigaas oo keeni kara natiijo aad u xun sida gabadhan ku dhacday oo kale.
Adigoo ku mahadsan noo
sheergareey muuqaalkan laayikna noo saar.
Sheekada gabadhan waxay ku
bilaabatay si fudud waxayna ku dhammaatay si aad u xun oo mucjiso noqotay.
Waxaa jirtay gabar ku noolayd
magaalo ka mid ah magaalooyinka soomaaliya, waxay ahayd gabar aad u wanaagsan
farxad badan oo baari ah. Aabbaheeda iyaduu ugu jeclaa caruurtiisa. Dadka xaafaddooda degganaa oo dhan taas way ogaayeen.
Wuxuu kusoo koriyay jacayl iyo
naxariis. Wax kaste ay u baahan tahay diyaar buu ula ahaa.
Gabadha waxay baratay wiil isla
xaafadda la degan. Shukaansi ayay isla galeen, mar walbana way kulmi jireen.
Iyadoo sidaas ay arrinta tahay aabbaheeda ma ogeyn gabadhiisa uu ugu jeclaa nin
inay shukaansanayso.
Muddo marka ay wada socdeen
ninkii ayaa gabadha guur usoo bandhigay.
Gabadha waxay ku tiri: aabbahayga
u imow ee iga soo doono.
Wiilkii wuxuu yiri: waa yahay.
Dhowr maalin kaddib wiilka wuxuu
yimid gabadha gurigooda. Wuxuu la kulmay aabbaheeda, wuxuu ka doontay
gabadhiisa. Laakin aabbaha wuu diiday, wuxuu yiri gabadhayda kuma siinayo.
Wiilka wuxuu iska ahaa nin aan
hanti badan lahayd. sidoo kale balwadna wuu lahaa.
Wuxuu cabbi jiray sigaar. Mararka
qaarna wuxuu cuni jiray jaad.
Gabadhii marka ay ogaatay
aabbaheeda inuu diiday wiilkaas ay rabtay inuu guursado aad bay u dhibsatay.
Waxay bilowday si qarsoodi ah
inay ula kulanto wiilka, aabbaheedana wuu uga digay inay wiilkaas mar kale la
xiriirto.
Gabadha way ka qarin jirtay
aabbaheeda kulamada ay la kulanto wiilkaas.
Marka adeegga guriga ama suuqa ay
aadayso ayay u tagi jirtay gurigooda.
Waxaa dhacday wiilka inuu ka
dhaadhiciyo gabadha guur khudbasiro ama masaafo. Gabadhii way oggolaatay.
Muddo kaddib waxay aadeen
magaalada wanlaweyn meesha ayay iskusoo mehersadeen.
Marka ay soo laabatay waxay kusoo
degtay guri qaraabadooda oo u dhow gurigooda. Si aabbaheeda loo gaarsiiyo in
gabadhiisa ay tahay naag la qabo masaafana lagu guursaday akhayaar ayuu soo
diray wiilka.
Aabbaha marka loo sheegay aad buu
u xanaaqay wuxuu yiri way iga dhimatay mana laga yaabo inaan la hadlo waligey.
Dhowr qof akhyaar ah magaaladaas
la degganaa ayaa mar kale loo diray aabbaha si kaste waa loola hadlay wuxuu ku
adkaystay inuusan mar dambe la hadlaynin gabadhiisa iyo wiilkaas, wuxuu yiri
way iga dhimatay waanna aasay.
Gabadhii sidaas ayay ninkii ku
raacday. waxay la degtay xaafadda meesha uu ka degganaa. Mana kala fogeyn
guriga wiilka iyo gabadha gurigooda.
Mucjisooyin ayaa u bilaaban doono
oo ay la yaabeen dadka degganaa xaafaddaas.
Muddo kaddib gabadhii uur ayay
qaadday. Marka ay dhashay cunugga islamarkii ayuu ka dhintay.
Toddobada ayuu ku dhintay.
Haddana mar kale ayay uur qaadday
isla sidaas ayay arrinta noqotay.
Waxaa la sheegay ku dhowaad
sagaal ilmo inay dhashay mid kastana wuxuu ku dhimanayay toddobada markay ku
jirto.
Dadka xaafadda deggan aad ayay
ula fajaceen dhacdada mucjisada ah.
Dadkii qaraabada ayaa mar kale
isku dayay inay aabbaheeda u tagaan oo baryaan si uu u cafiyo gabadhiisa.
Laakin aabbaha wuu diiday. si kastoo loola hadlay waa la qancin waayay. Wuxuu
taagan yahay lagama yaabo inaan cafiyo. Waxaan kasoo qaaday inay iga dhimatay.
Ugu dambeyn gabadhii ayaa xanuunsatay
xanuun daran.
Aabbaheeda ayaa loo tagay inuu
cafiyo gabadhiisa maaddaama ay xanuunsan tahay.
Sidoo kale wuu diiday inuu
cafiyo.
Muddo badan ayay xanuunsanayd.
Mar kastana odayga waa lala hadlayay inuu go’aankiisa ka laabto oo uu iska
cafiyo. Dadka qaraabada oo dhan way la hadleen.
Hal marna uu qaadan waayay
hadalkooda.
Si kastaba wuu diiday.
Nasiib xumo gabadhii sidaas ayay
ku geeriyootay.
Xaafadda oo dhan naxdin. Dadka
waxay la fajaceen dhacdada meesha ka dhacday.
Waxay la yaabeen gabadhan siduu
aabbaheeda u jeclaa iyo siduu u nacay.
Dadkii meesha ku noolaa waxay
toos indhahooda ugu arkeen habaarka mararka qaar si toos inuu usoo baxo. Gaar
ahaan habaarka waalidka.
Aabbahaan gabadhiisa wuxuu siiyay
kalsooni badan. Laakin gabadha meel weyn ayay uga dhacday. Wuxuu xammili waayay
sidey u gashay isaga.
Jacaylka ilmaha markuu xadka ka
baxo dhibaatooyin badan ayuu keeni karaa.
Nacaybkan aabbaha uu dareemay
waxaa sabab u ah falka ay gabadhiisa samaysay oo uusan marnaba ka filanin inay
samaynayso !!.
Teeda kale gabadha aad
masaafaysanayso aabbe ayaa dhalay oo soo koriyay waxaa qalad weyn ah inaad ka
dafto aabbaheeda markaas aad niyadda ka jabiso waalidkeeda.
Guurka noocaas ah khayr maba
lahaan karo. Waayo wuxuu ku dhisan yahay afdduub iyo tuuganimo.
Gabar dadow inaad jidka ka
afdduubato yaa kuu fasaxay?
Guurka waxaa loogu talagalay inuu
ku dhisnaado naxariis iyo khayr iyo wanaag iyo jacayl.
Gabar aad dadkeeda kasoo xadday
miyaad ka sugaysaa xasilooni inaad kula noolaato.
Marka qisadan waxaa laga qaadanaa
cibro aad u xeeldheer.
Habaarka waalidka in layska
ilaaliyo waliba arrimaha guurka iyo mustaqbalka ku saabsan.
Aabbayaasha isku mid ma aha. Kuwo
waxaa jiro aan cafinin ilmahooda hadday qaladkan oo kale ka galaan.
Inkastoo ay fiicnayd inuu iska
cafiyo oo uusan habaarin gabadhiisa. Laakin habaarka ugu daran waa kan lama
filaanka ah oo qalbiga kasoo fulo.
Waliba marka aabbaha uu jacayl
daran kuu qabo oo aad xumaan uusan kaa filanaynin aad ku samayso.
Teeda kale gabadha waxaa laga
rabay inay ka diido wiilka guurka masaafada.
Waayo haddii aabbaheeda ay
raalligalin lahayd waxaaba dhici kartay inay hesho ninkaas. iyadoon waxaan oo
dhan dhicin.
Maxaayeelay wixii dar Alle looga
tago badalkiisa ayaa la helaa. Allana wuxuu kuu fududeyn karaa dantaada haddii
aad raalligaliso waalidka.
Waayo ridaha Alle wuxuu ku jiraa
ridaha waalidiinta.
Guurka masaafada ama qudbasirada
wuxuu ka mid yahay waxyaalaha caddaawad ku dhex abuura bulshada oona lagu kala tago.
Immisa dad isku gooyay guurkaas,
aabbaha wuxuu dareemayaa in la liiday marka gabadhiisa bannaanka lagu mehriyo
asoon ka warqabin. Wuxuu u arkayaa sharafdhac.
Gabar intaas sano oo uusooo
korinayay in hal mar laga dafo. Waa arrin xun oo aan loo adkaysan karin.
Marka gabareey iska ilaali
khaladkan oo kale inaad gasho. Qofka caqliga leh wuxuu eegayaa khaladaadka
dunida ka dhaco kaddibna wuu iska ilaalinayaa inuu sameeyo kuwa la mid ah
khaladaadkaas.
Gabarey ninkaas aabbahaaga
aad ka dooratay wuu ku nici karaa. Sidoo
kale wuu ku furi karaa.
Marka aabbahaaga la mid ma aha
dhinac walba marka laga eego. Waayo aabbahaaga isagaa ku dhalay wuxuuna jecel
yahay inaad nolol fiican ku noolaato oo aad hesho mustaqbal fiican.
Sidaa awgeed diinta islaamka gabadha
waxay shardi uga dhigtay guurkeeda in wali ay lahaato. Waxaana nambar kow ka ah
aabbaheeda.
Taas waxaa loo samaynayaa ilaalin
la ilaalinayo xuquuqdeeda.
Marka jacaylka iyo hadalka macaan
ninka aad kala kulmayso yaysan ku illowsiinin qiimaha aabbahaaga uu leeyahay.
Sheekada gabadhan haddaad ka
heshay ha illaawin inaad sii faafiso muuqaalkana aad laayik noo saarto adigoo
taas ku mahadsan.
