maxaa keena xubno xanuun

Xubno xanuunku wuxuu dhacaa marka laabatooyinka jidhkaagu ay bararaan ama carjawda laabatooyinku ay baaba’an.
Carjawdu waa wax sida barkin oo kale ah ee ku jira laabatooyinka ee ka ilaaliya cadaadiska dhaq-dhaqaaqana ka dhiga mid fudud. Marka ay xajiyadu ruugagga qaarkood ka baaba’aan, lafahaaga ayaa is xoqaya oo kuu keenaya xanuun, barar, iyo tig-tignaan.

Xubno xanuunka badankiisu waa mid bararka ruugagga (osteoarthritis). Tan waxay ka timaaddaa laabatooyinka oo dhammaada marka waqti dheer la isticmaalo. Tani waxay badanaa ka dhacdaa jilbaha, sinaha iyo gacmaha.

Laabatooyinku waxay billaabaan iney xanuunaan ayna dhumuc weynaadaan. Mararka qaarkood nudaha ku hareereysan laabatooyinka ayaa kala jiidma oo xanuun badan keena.

Waxaa jira noocyo kale oo xubno xanuun ah oo ku dhaca da’da yar. Kuwaan waxay badanaa u baahan yihiin baaritaanno iyo daaweyno gaar ah.

Arrimaha Halista u leh
• Gaboobid
• Dhaawac laabatooyinka gaara
• Isticmaal xad dhaaf ah ee laabatooyinka Calaamadaha
• Laabatooyin xanuun
• Laabatooyinka oo aan xasillooneyn ama waxaad dareemeysaa inayna ku taageeri doonin
• Laabatooyinka oo ballaarta ama barara
• Tig-tignaan, badanaa subixii dhacda
• Isticmaalka laabatooyinkaoo xaddidan
• Diirranaan laabatooyinka dhinacyadooda ah
• Guduudnaanta maqaarka ruugagga ku hareereysan

Baaritaannada
Takhtarkaagu wuxuu kaala hadli doonaa caafimaadkaaga wuxuuna eegi doonaa laabatooyinkaaga. Takhtarkaagu waxaa laga yaabaa inuu kugu amro baaritaan dhiig, raajo ama dheecaan yar ka qaado meelaha ku hareereysan laabatada ku xanuuneysa.

Daaweynta
Daaweynada riixu waxay ku xiran yihiin:
• Sababta
• Laabatadee ku xanuunaysa
• Inta uu xanuunku le egyahay
• Sida xubno xanuunku uu u saameynayo hawlo maalmeedkaaga
• Da’daada
• Shaqadaada ama hawshaada Iyadoo qayb ka ah daaweyntaada, ayaa laga yaabaa in aad u baahato in:
• Aad jir dhis sameyso si aad u hagaajiso dhaq-dhaqaaqa iyo awooda laabatooyinka.
• Aad isticmaasho daaweyno kulul ama qabow si aad u koontaroosho xanuunka iyo bararka.
• Aad ka fogaato meelaha ama dhaq-dhaqaaqa cadaadis dheeraad ah saaraya laabatada ku xanuunaysa.
• Aad ka fogaato hal u fadhinta waqti aad u dheer.
• Ku samee biraha la qabsado meesha lagu maydho, tubbada qubeyska iyo musqusha agteeda.

Haddii isbeddelladaan aysan ku caawin, takhtarkaagu wuxuu kuu soo jeedin karaa daawo aad ku koontaroosho xanuunka iyo bararka. Mararka qaarkood qalliin ayaa loo baahdaa.
Isla markiiba takhtarkaaga wac haddii:
• Aad isku aragto laabatooyin xanuun oo aan la sharrixin oo daran.
• Uu ruuggu aad kuu bararo.
• Ay si lama filaan ah kuugu adkaato dhaqaajinta laabatooyinku.
• Maqaarkaaga ku hareereysan laabatooyinku uu guduudan yahay ama kulul yahay marka la taabto.

SomaliDoc
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post