astaamaha lagu garto inuu gabadha hayo jacayl dhab ah

Waa dhowr astaamo halkan ka akhriso 
Qof kasta ma helo ruux isaga aad u jecel balsa dad ayaa nasiib kaas helo, waxaa jiro marxalada kala duwan uu soo maro jaceylka, marxaladaha qaar qofka isaga ayaa ogaan kara heerka jaceylka loo haayo inta uu gaarsiisan yahay, shabakada waqti.net waxay idiin wadaa manta astaamaha lagu garto gabadha sida xad dhaafka ah kuu jecel qormadaan waxaa isku soo duba riday qoraa sare Daalac Daahir Shoot.

1. Maku qanacdo ilaa ay aqristo ama hesho wax yaabahaan hoos ku qoran

Gabadha markii uu heleelo jaceylka dhabta way ka waali badantahay wiilka, waxayna aad uga fikirtaa sida ay ku hanan lahed qofka ay xiriirka la leedahay cinwaanada uu leeyahay password kiisa, ama in ay aqirso message yada teleefoonkiisa ku soo dhaca qofkaas si ay ula socoto wax yaabaha aad qabaneeso.

2. Gabar kasta aad taqaan ama kula soo hadasho in ay ku waydiiso

Gabar lama tuso gabar kale waa cudurkeeda ugu wayn, hadii ay aragto gabar adiga oo la hadlaya ama teleefoonkaaga ay ku aragto magac gabar, gabadha jaceylka haayo isla markiiba waxaa ku bilaawda walwal, qalbigeeda ma dago ilaa ay ka hesho war ay ku qanacdo.

3. Markasta kuugu cadaadiso sida ay iyada rabto
Ha u qaadan gabadha aadka kuu jeceyl in ay tahay qof milatiri ah oo ad adag ama kulkul waxa sidaas ka keenayo waa dareenka dhabta ah kuu heeso, nafsadeeda ayaa tusinayo wax yaabo badan laakiin adiga aad isleedahay tan waxay dooneesaa in ay ku xukunto.

4. Jiro beenaad ah isku rid

Gabadha aadka kuu jecel waxay isku ridaa xanuun aan jirin si ay u ogaato qaabka aad u kool koolin laheed ama aad usiin laheed dareen, dumarka way jecel yihiin in markasta la dhaho ereyo mac mac, xanuunkaan ay isku rideeso kama ahan mid ay u baahantahay dhaqtar ama daawa kaliya waa xanuun daaween kara codkaaga iyo in aad soo raadiso iyada.

5. Halkee ayaad joogtaa maxaasa ka doontay
Gabadha meesha aad ku maqantahay aad bay u daneyaa, niyadeeda waxaa ka guuxaya waxa aad halkaas ka qaban karto, walwal waxaa ku taagan in aad isbarataan gabar kale ama aad usocoto qof kale oo dumar ah, hala yaabin hadii ay kuula timaado suaalo sidaan oo kale ah, una qaado in ay ku jeceshaay oo ay aad kuu dooneeso, waxaadna ogaataa gabadha kuma dhado ninkasta halkee ayaad usocotaa maxaasa ka doontay.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post