garoonka dayuuradaha xamar oo sharaftiisa soo noqotay

Maalmahaan runtii magaalada Muqdisho waxaa ka muuqda isbadal xagga horrumarka, waxaana magaalada laga dhisay goobo ganacsi iyo dhismooyin kale oo aad u waaweyn.

Haddaba meelaha uu isbadal xagga horrumarka ka muuqdo waxaa ka mid ah garoonka caalamiga ee diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan ee magaalada Muqdisho.

Garoonka ayaa noqday mid caalami ah, oo waxaa saxmada ka muuqda ay gaartay in hal mar ay garoonka isla soo fadhiistaan diraarado badan oo qaar kood ka yimid Yurub iyo waddamada caalamka.

Sidda ay lee yihiin mas’uuliyiinta garoonka waxaa maaliba maalinta xigta garoonka soo fadhiisanaya diyaarado badan oo qaar kood ka yimid waddamada Maraykanka iyo Yurub.

Garoonka waxaa ka socda howgallo lagu ballaarinaayo waxaana gacanta ku heysa shirkadda Favori ee laga lee yahay dalka Turkiga.

Akhriste bal sawirkan nala daawo soona qor aragtidaada ku aadan isbadalka ka muuqdo garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo in uu soo ceshtay sharraftii iyo wanaagii uu lahaa garoonka isagoona hadda waxbo aan ka duwaneen garoomada kale ee ku yaalla dunida xagga safarada

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post