Sheekada Ajakis oo gaaban akhriso

Cabdi Muriidi oo ku magac dheer Ajakis waa fanaan ku caanbaxay majaajilada, ajakis markii hore wuxuu ku bilaabay tarjumaadda filimada hindiga af soomaaliya, sida filinka hindiga jacaylka ahaa oo lagu magacaabi jiray Dil ama qalbi, ajakis waa nin aad u qoslis badan oo xariif ku ah hadalka soomaalida banaadir, sida la ogyahay wuxuu ku soo caanbaxay filimaanta oo loo tarjumi jiray af soomaaliga, waxaa kale uu ku dheer yahay hadalka taxanaha ah ama hadalka loo yaqaano murti iyo miisaan, ereyada  uu adeegsado ajakis waa ereyo qoto dheer leh, inta badan wuxuu duri jiray dadka dulmiga ku caanbaxay ama dadka loo yaqaano muuryaanta, sidoo kale wuxuu taabtay dadka yurub u tahriiba ama ku faana baasaboorka wadamada shisheeye, ajakis waxaa la jili jiray fanaanka la dilay oo la dhihi jiray marshaale, waxaa aad u soo deyn jiray kanaalka universal tv oo ku yaalla dalka UK gaar ahaan magaalada London, xitaa waa la sheegaa inay dadka qaar yurub ka taga oo xamar aada waxay sawir la galaan ajakis markaas ayay Fcabook Soo dhigaan, maxaad ka dhihi lahayd xaaladda maanta ee soomaalida ku nool yihiin
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post