Biyaha kuwee Soonka furi kara

Seddex nooc oo biyo ah ayaa ka yimaada ninka, kuwa koobaad  waxaa la dhahaa af soomaaliga  "kuulato" afka carabiga waxaa loo yaqaanaa "mathyi" waa biyo cad oo jilicsan oo is jiidjiida, waxay soo baxaan ninka marka niyaddiisa ay galmo soo gasho ama uu kacsado ama geedkiisa uu kaco, biyahan soonka ma jibiyaan qubaysna ma waajibiyaan laakin weysada ayay jabiyaan, kuwa labaad waxaa la dhahaa wadyi waa biyo cad oo khafiif ah oo u eg caano la barxay, kuwan waxay ka soo baxaan ragga marka wax culays ah ay qaadaan ama daal badan uu jiro, waxay soo baxaan kaadida ka kaddib kacsina lama socdo qubaysna ma waajibiyaan soonkana ma buriyaan, kuwa seddexaad waxaa loo yaqaanaa "shahwo" waa biyo cad oo adag soo baho qofka marka uu gaaro raaxada ugu dambaysay, waa kuwa afka carabiga loo yaqaano "mani", biyahan soonka wey jabiyaan qubaysna way waajibayaan, waa kuwa laga abuuro ilmaha, waxay u eg yihiin diifka  oo adaygga ah, marka ay ninka ka soo baxayaan way boodaan, bahalkiisana aad buu u kacayaa, marka dhamaadaan bahalka ninka wuu damayaa.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post