Sambuuska yaa keenay maxaana loo cunaa bisha soon


Dadka soomaaliyeed meel kasta ay ku nool yihiin waxay dhaqan iyo caado ka dhigteen bisha ramadaan inay cunaan sanbuuska,  taasoo waa horay jirtay, sambuuska dhaqan ahaan waxaa laga cunaa Hindi iyo khaliijka sida sacuudiga Cumaan Imaaraadka iyo baxrayn iyo Yamen marka dadka soomaaliyeed meelahaas ayay ka soo qaadeen dhaqankan, sambuusku wuxuu ka booban yahay bur foolyo laga dhigay markaas oo lagu shubay hilib shiidan iyo basal iyo barbarooni iyo baradho, markaas ayaa saliid lagu dubay isagoo duuban, lagama waayo soomaalida guryahooda bisha soon afurka marka la cunayo, waa cunto macaan badan oo fatamiin leh, fikradda oranaysa sanbuusku wuxuu malayaa saliibka waa figrad aan sax ahayn oo shaqo ku lahayn, seddex geesoodka wax xiriir lama laha sheekadaas.
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post