Carabta kaalinta ay ka qaateen wixii Soomaali ka dhacay

Hadaan nahay dadka u dhashay Soomaaliya waxaan ku dhacnay 25 sano kahor  bohol quto dheer taasoo aan ka wado dagaallada sokeeye dalkeena burburiyay, dagaalladaas gaalada kaalin weyn ayay ka ciyaareen ma rabo inaan ka hadlo kaalintaas waayo way iska caddahay laakin waxaan ka hadlayaa labo waddan carbeed oo iyaga kaalin weyn ka qaatay labadaas waddan keliya ma aha waxa faraha kula jiray soomaaliya burburkeeda laakin iyaga ayaa ugu badan, wadanka koowaad waa dalka Liibiya waxaan ognahay soomaali hubka waxa u keeni jiray markii dagaalka socday inay ahayd dowladda Liibiya madaxweynihii hore Macammar Alqaddaafi inta uu lacag kala siiyo qabqablayaasha ayuu liibiya isugu keeni jiray oo amar soo siin jiray, waan wada ognahay waxa ku dhacay Liibiya sida ay u burburtay,  Qaddaafina si xun ayaa loo dilay dalka labaad oo qayb libaax ka qaatay dagaallada soomaaliyeed  waa boqortooyada sacuudi carabiya, runtii dowladda sacuudiga waxay u muuqataa inay tahay dowlad aad u fiican oo islaamka ku xukunto oo wax tar u leh dalalka muslimiinta ah, fikraddan inta badan waxaa aaminsan dadka cawaamta ah oo waxmagaratada ah oo waaqaca ka xiran, dowladda sacuudiga labo weji ayay wadataa weji oo islaamnimo muujinaya iyo weji munaafuqnimo ah gaaladana way la og yihiin, waxyaalaha ay adeegsato waxaa ka mid ah isku dirka muslimiinta xagga mad'habka, ma arkaysid dowladda sacuudiga oo diin ku dhex faafinaysa dalalka kirishtaanka ah, keliya waxay dad u soo diraysaa wadamada asal ahaan muslimiin ah gaar ahaan haysta madaahibta sida  Xanafiga ama Maalikiga ama Shaaficiga madaahibtan oo dhanna waa sunno, dalalka muslimiinta ah waxaad arkaysaa waxaa la isku haystaa mas'alado fiqi ah tusbaxa waa xalaal maya waa xaaraan, shareerka waa xalaal maya waa xaaraan, farta tashahudka waa la dhaqaajinaya maya lama dhaqaajinayo eeg dalaka islaamka ah waxa ka jira waxaa soo dhan waxaa ka dambeeya dowladda sacuudiga, waxay samaysaa wax aad u yaab badan inta ay dad ka kaxayso dalalka muslimiinta ah oo wax ay soo barto ayay ku soo celinaysaa dalalkooda si ay u qasaan waxaa soo dhan waa istaraatiijiyo ay adeegsan jirtay dowladda sacuudiga, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa arrin yaab badan taas oo ah markii muslimiinta ay ka xuraynayeen Afghaanistaan ruushka waxaa ka dambaysay sacuudiga iyada ayaa mujaahidiinta qabanqaabisay laakin waxaa isweydiin mudan su'aalahan soo socda:

Afghaanistaan iyo Qudus yaa horreeyay qabsashadooda ?

Yaa daran yahuudda iyo ruushka cadownimadooda?

yaa u soo dhow dalalka muslimiinta Qudus iyo  Afghaanistaan ?

Yaa muqaddas ah Afghaanistaan iyo Qudus?

su'aalahan qofkii ka jawaabo wuu fahmayaa dowladda sacuudiga waxa ay tahay,  teeda kale culimada sacuudiga waxay fatwoodeen in waajib ay tahay in la aado jihaadka Afghaanistaan laakin marka uu Maraykanka soo galay Ciraaq jihaad ma aha ayay dhaheen, waxaan dhihi lahaa inuu ogaado qofka rabo dowladda sacuudiga ha u noqdo taariikhda  hadda sheekada waxay isu baddashay inay meel kasto qasto oo ay burburiso, ilaa ay lugaha la gasho dalka Yemen waxaa laga yaabaa dagaalkan inuu burburyo nidaamka sacuudiga waxaa bilaabatay gobolada koonfurta sacuudiga inay maalmahaan dhahaan waan ka go'eynaa boqortooyada sacuudiga, laakin qofka laga caqli badan yahay ayaa dalkiisa la burburinayaa soomaaida waxaa laga rabaa inay dareemaan cadowgooda meesha uu ka imaanayo, carabta hadda iyagaa is cunaya waxay noqon rabaan sidii annaga nagu dhacday oo kale 
Post a Comment (0)
Previous Post Next Post