Dadka aan tukan ma gaalo baa soonkooda mala aqbalaa

Fuqadaha muslimiinta way isku khalaafsan yihiin ninka salaadda aan tukan ma la dhihi karaa gaal mase maya? mad'habka Imaam Axmed wuxuu qabaa qofka taariku salaad noqda inuu diinta ka baxay looma fiirinayo waxa uu ka aaminsan yahay xitaa wahsi haddii uu u geeyo, wuxuuna daliilsaday Imaam Axmed axaadiis ayaa ku soo aroortay kutubta sunanta oo caddeynaysa qofka salaadda ka taga inuu gaal noqonayo, aragtidan waxaa qaba asxaabta rasuulka - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee - qaar ka mid ah oo badan, mad'ahabka shaafigiga wuxuu eegayaa qofka aan tukan waxa uu ka aaminsan yahay salaadda haddii uu inkirsan yahay waajibnimadeeda oo uu lee yahay aniga maba rabo inaan tukado gaal buu u arkaa waayo wuxuu diiday wax nas ku sugan, laakin haddii qofka uu qirsan yahay inay salaadda waajib tahay laakin isaga wahsi uu la tukan yahay ma gaaloobayo, daliilka Shaafici waa nusuusta guud lagu soo islaamo oo ah kalimadda tawxiidka, qofka waxa diinta uu ku soo galo waa qiridda Alle inuu keligii yahay iyo inuu qiro nabi Mumaxamed - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee - rasuulkii Alle, maadaama qofka uu qirsan yahay diinta lagama saari karo haddii uu inkiro mooye wax cad, axaadiistana wuxuu ku fasiray gaalimada ku soo aroortay inay tahay mid loola jeedo gaalnimada diinta lagaga baxo waa gooddi iyo digniin

waxaa la sheegaa mar ayaa dood dhex martay Imaam Shaafici iyo Imaam Axmed wuxuu yiri Shaafici : qofka aan tukanin ma gaal baa? Axmed wuxuu yiri : haa waa gaal Shaafici wuxuu yiri : muxuu diinta ku soo galayaa? Axmed wuxuu yiri: inuu shahaadateenka qirto Shaafici wuxuu yiri: wuuba qirayaa shahaadateenka Axmed wuxuu yiri : wuxuu ku soo galayaa diinta inuu tukado Shaafici wuxuu yiri : sidee looga aqbalayaa qof gaal ah salaadda?? Axmed wuu aammusay markaas

marka waxaa lays wayddiinayaa qofka aan tukanin soonkiisa mala aqbalayaa, saan soo sheegnay mad'habka Axmed bin Xambal wuxuu qabaa qofka salaadda ka tagay soonkiisa iyo camalkiisa kale inaan la qabalaynin xataa naagtiisa way ka furmaysaa, waayo wuxuu u arkaa inuu diinta ka baxay,  laakin mad'habka Shaafici wuxuu qabaa inuu soomi karo qofka aan tukan, camal lasta wanaagsan uu samaynayo waa loo qoraa ajarkiisa, naagtiisana lagama furi karo, waayo waa qof muslin ah, marka mas'aladan sidan ayay u dhisan tahay, waxaan filayaa inaad fahantay, waxaad ka heli kartaa doodda dhex martay Imaam Axmed iyo Imaam Shaafici kitaabka dabaqaad shaaficiya alkubraa      طبقات الشافعية الكبرى  oo uu qoray Subki


Post a Comment (0)
Previous Post Next Post