Si fudud ku daawee dhabar xanuunka iyo qoorxuunka

Dad baan ayaa waxay ka sheegtaan xanuunka dusha, inkastoo ay sababaha kala duwan yihiin oo keeni kara xanuunkaas, laakin si fudud ayaa lagu daaweyn karaa haddii sababka la ogaado

waa maxay sababaha keena dhabar xanuunka

  • waxaa inta badan keena murqaha oo isdhaafa, 
  • qaab cunteed aan toosnayn, 
  • qofka oon waxa samaynin oo meel iska fadhiya, 
  • kalabaxyada jirka oo xanuunsada, 
  • shaqada jirka oo xadka ka baxsan, 
  • si xun in loo fariisto muddo badan, 
  • uurka, 
  • mararka qaarkooda dhabar xanuunka wuxuu tilmaamaa kansar, iyo jirrooyinka qaar sida jirada keliyaha ilmagaleenka jirooyinkan keenaan dhabar xanuun


Sideen ku ogaadaa 

  • Xanuun daran ka soo bilaabanayo qoorta ilaa dusha hoosteeda
  • si fiican qofka uma istaagi karo isagoon dareemin xanuun gaar ahaan marka uu muudo fadhiyo kaddib
  • wuxuu dareemayaa wax dusha ka durduraya
  • lugaha ayaa xanuunaya
  • dhaqdhaqaaq ma samayn karo
  • marmar wuxuu aadaya xanuunka baryaha iyo cajiraha ilaa uu ka gaaro cagaha

Sidee la isaga ilaaliyaa oo aan ku daaweeyaa

  • Meesha aad seexanayso iska fiiri ha u seexanin si qaloocan
  • Barkinta inta ay le eg tahay eeg haddii ay aad kaaga weyn tahay qoor xanuun ayay leedahay iyo dhabar xanuun
  • Markii aad kacayso si kedis ha u kicn aayar u kac
  • Haddii aad galmo samaynaso iska ilaali si qalooc inaad u samayso oo xanuun kaaga imaan kara
  • Cuntada aad bay u muhimsan tahay jirkaaga wuxuu u baahan yahay waxyaalo farabadan ku dadaal qudaarta inaad badsato iyo raashinka nafaqada jirka u leh
  • biyaha ha iska yaraynin biyaha jirka aad bay wax ugu tarayaan
  • Marka aad kumbuyuutarka fariisanayso iska ilaali inaad dhabarkaaga soo goddo  screenka waa inuu kugu aaddan yahay
  • sports waa inaad samaysaa iyo socod badan iska ilaali inaad maanta oo dhan meel fadhiso
  • sidoo kale keen masaaj meesha kaa xanuunayso ha luguugu daliigo  ilaa 15 daqiiqo oo kale

Haddii uu kaa joogsan waayo dhakhtar u tag daawo hakuu soo qoro

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post