Nin aan lixdan sano qubaysanin eeg sawiradiisa

Nin u dhashay dalka Iran wuxuu sameeyay wax aan qof insaan samaynin,  wuxuu jiraa siddeetan sano  lixdan sano ma qubaysanin ninkan, wax jiro ahna ma qabo, wakaaladda wararka IRNA ee raacsan dala Iran ayaa waxay ka faafisay sawiro ninkan waxay sheegtay ninkan in lagu magacaabo Camo Xaaji wuxuu ku nool yahay tuulada Dazjah ee ka tirsan gobalka Dahram, ee dalka Iran wuxuu cunto ka dhigtaa xayawaanaadka bakhtiyay hilibkooda, waxa uu haysto ee ugu qaalisan waa tuubbo oo bir ah oo wareeggeeda gaaraya seddex inch, wuxuu ku shubaa xaarka xoolaha oo qalalan markaas ayuu sigaar ahaan u dhuuqayaa intuu dab ku shido, wuxuu degan yahay mundul oo ay dadka meesha degan u dhiseen, wuxuu ku nastaa god qabri u eg, sidoo kale wakaaladda waxay sheegtay haddii uu qabow dareemo wuxuu xirtaa koofiyad wuxuuna nuuqayaa wax badan oo  sigaarkiisa u gaarka,  ah hal marna ayuu wada shidanayaa

daawo sawirada laga soo qaaday ninka












Post a Comment (0)
Previous Post Next Post