Maskii miyirka la'aa iyo miinshaartii miiska saarnayd


Waxaa dhacday abeeso inay soo gashay meel uu ka shaqayn jiray nin faryaame ah isagoon joogin,  abeesada cunto ayay raadinaysay qofka faryaamaha ah inta badan alaabtiisa wuxuu uga tagaa miiska korkiisa waxaa ku jirtay miinshaar abeesadii iyadoo miiska ku dhex socoto waxay kor martay miinshaartii wax yar ayay dhaawacantay dhiig baa ka soo baxay abeesadii way isku dardarsantay waxay isku dayday inay miinshaarta qaniinto marka ay xoog u qaniintay afka ayay ka dhiigtay aad bay usii xanaaqday waxay u qaadatay in miinshaarta ay tahay wax nool iyada soo weeraraya markaas ayay miinshaarta isku duubtay iyadoo u malaynayso wax ay ciijin ku dili karto abeesadii ayaa meesha ku gogo'day subaxii waxaa yimid ninkii faryaamaha meesha iska lahaa wuxuu arkay abeesada oo dhimatay meesha oo dhan dhiig ka wada buuxa, waxaa laga qaadanayaa kibirka in lagu kufo si kasta awood aad u leedahay dagaal laguma degdego

Post a Comment (0)
Previous Post Next Post