Waxqabadka canabka guduudan benefits of red grapes

Waxqabadka canabka guduudan  benefits of red grapes
Saxan Canab diyaarsan
Canabka wuxuu leeyahay faa'idooyin badan waxaa ka mid ah Vitamin C iyo Potassium, xuubka cinabka wuxuu difaacaa bukaanada iyo cudurka Kansarka sidoo kale wuxuu wataa maaddo lagu magacaabo Lycpene oo ka hortagta kansarka naasha iyo Borstaatada.
Dadka cilmibaareyaasha waxay sheegaan inuu yareeyo daalka iyo lafa burburka, sidoo kale wuxuu siinaya firfircooni murqaha iyo neerfayaasha, siiba wuxuu aad ugu roon yahay dadka cayaartoyda ah iyo dad shaqeeya, wuxuu u soo celinayaa awoodda ka baxayso jirkooda, sidoo kale cunitaanka canabka wuxuu ka reebayaa xididaha dhiigga inay adkaadaan, dhiiggana wuu nadiifiyaa, sunta soo galaysa ayuu ka saarayaa, dheefshiidkana waa u fudud yahay inuu maro, awoodda canabka waxay u dhigantaa awoodda caanaha, qofka cabaya cabitaanka canabka wuxuu kaga faa'idaysanayaa wadnaha, beerkana wuu u keenayaa firfircooni, Quraanka kariimka ayuu ku soo arooray canabka taas waxay tilmaamaysaa inuu aad u fiican yahay, canabka marka la qalajiyo wuu isbaddalaa waxaa lagu magacaabaa sabiib isagana wuxuu lee yahay faa'idooyin badan halkaan ayaad ka heli kartaa, qaab ahaan way kala duwan yihiin .

3 Comments

  1. Anonymous10/21/2015

    cabitaanka iyo cunida yaa fiican

    ReplyDelete
  2. waa isku natiijo canabka markaad cabto iyo markaad cunto

    ReplyDelete
Post a Comment
Previous Post Next Post