Qisadii jacayl ugu xiisaha badneyd Mustafa iyo Dondo

jacaylka daran ee dunida
Mustafa iyo Dondo
Qisadan wax la mid ah ma jiro, waxaa laga helaa keliya filimada iyo riwaayadaha romantiga ah, Mustafa iyo Dondo jacaylkooda wuu dhaboobay, waxaana u dambaysay raaxo markuu socday jacaylkooda 77 sano kaddib,  sanadka markuu ahaa 1938 tuulo yar ku taalo magaalada Qahraman Murcish koonfurta Anadool ee dalka Turkey, Mustafa Qora Kooboon qalbigiisa soo galay jacaylka ugu horreeyay markii ay da'diisu ahayd 15 sano, qofta uu jeclaadayna waxay ahayd Dondo Keeraash, taasoo ka weynayd seddex sano.
Mustafa markuu naagtaas jeclaaday aabbihiisa ayuu u sheegay inuu rabo inuu guursado Dondo, laakin aabaha ma ogolaanin guurkaas.
ciidanka ayuu ku biiray, wuxuu leeyahay mustafa : "waxaan dareemay naxdin, waxaan ku sigtay inaan nolosheyda waayo"
Ninkii jacaylka hayay ayaa wuxuu u soo laabtay afar sano kaddib magaaladiisa markii uu soo gutay waajibka ciidanka laga rabay, wuxuu arkay Dondo oo guursatay oo ilmo dhashay, wuu awoodi waayay inuu magaaladaas ku noolaado wuxuu u wareegay magaalada Gooksoon si uu u bilaabo nolol cusub, isagana wuu guursaday caruur ayaa loo dhalay.
waxaa dhici kartay sheekada jacaylka inay halkaan ku dhamaato, si sheekooyin badan jacayl si murugo leh ay ugu  dhamaadeen, laakin qadar ayaa sugayay Mustafa oo farxad kulan u wado Mustafa iyo Dondo.
Waxaa geeryootay Mustafa xaaskiisa, caruurtiisana way waawaynaadeen, wuxuu u wareegay inuu ku noolaado aqalka lagu hanaaneeyo dadka duqooshinka ah, maalmaha ugu horreeyay ee uu tagay meesha waxaa u soo dhowaatay naag oo ka mid ah naagaha degan meesha waxay ku tiri " Mustafow meeshaan maxaad ku samaynaysaa?" Mustafa wuxuu leeyahay : "waan eegay waxaan ku iri kuma garanayo kumaa tahay?" waxay igu tiri: "aniga waa Dondo sideed ii garanaynin?".
meeshaan ayaa waxaa ka bilaabatay marxalad jacayl cusub, waxay ka sheekaysteen labadooda sheekooyinka ay soo mareen mudada gaaraysay 77 sano ee ay kala tagsanaayeen, waxay isku dayeen inay is dejiyaan, waxay go'aan ku gaareen inay is guursadaan, laakin waa loo diiday inay is guursadaan laakin markan waxaa u diiday ilmahooda.

Waxay isku dayeen inay isla ordaan

Dondo ayaa aad uga xumaatay diidmada ay u diideen ilmaheeda inay Mustafa xabiibkeedii hore guursato, waxay bilowday inay si daran oohin la jabsato, waxay ku dhihi jirtay "Mustafow i wado iga dheeree meeshan, iga badbaadi halkan", mustafa aad buu u dhibsaday murugteeda waxay isku dayeen inay ka cararaan aqalka ay deganaayeen ee dadka da'da ah lagu xanaaneeyo, laakin dadka meesha ilaaliyo ayaa ogaaday oo soo celiayay.
ninka agaasimaha ka ahaa aqalka duqooshinka ayaa arinta gaartau markaas ayuu u yeeray Mustafa wuxuu u sheegay waxa uu sameeyay isku dayida cararitaanka ah inuu qalad ahaa markaa ayuu ku jawaabay "haddii aan la ii guurinin waaan la cararayaa., jid kale iima furna"
markii ay gaartay sheekada Mustafa duqa magaalada Gooksoon Xuseen Jooshkoon Aydan aad buu isu badalay waxuu go'aansaday inuu soo dhexgalo arintan, wuxuu ku guulaystay inuu qanciyo ilmaha Mustafa iyo Dondo si ay u ogolaadaan inay labadan qof isjecel is guursadaan.
ugu dambayntii way isguursadeen si ay ugu noolaadaan hal guri iyagoo dhaafay 90 sano, Mustafa wuxuu leeyahay "aad baan u faraxsanahay Alle ayaa mahad iska leh ugu dambayntii ii soo celiayay gacalisadayda Ilaahay waxaan ka baryayaa inuu kulmiyo dadka is jecel oo dhan xataa siddeetan sano kaddib", inkastoo Dondo aysan si fiican u hadlin daal awgii laakin  farxadda wajigeeda ayaa laga dareemayay. 

jacayl dhab ah kan ayaa lagaa dhahaa.
Waxaa laga soo tarhumay Aljazeera waxaan tarjumay webka www.daruur.com  iyadoo carabi ah halkaan ka akhriso sheekada   

2 Comments

Post a Comment
Previous Post Next Post