Ninkan wuxuu dhashay 1942 Kentucky state magaca uu ku dhashay wuxuu ahaa Cassius Marcellus Clay Jr, wuxuu ka dhashay famil afrikaan ah, wuxuu islmaamay sanadka markuu ahaa 1965, magaca hore wuxuu u baddalay Maxamed magaca ugu dambeeyana sidiisa ayuu ku dhaafay, magaca Kalay afka igiriiska waa dhoobo wuxuuna ahaa magaca addoonimada loogu bixiyay familkiisa, markii islaamay ayuu sii caan baxay.
dagaalkii vitnam marka uu maraykanka la galay maxamed cali kalay wuxuu ka mid ahaa dadka ka soo horjeestay wuxuu yiri " Annaga haddaannu nahay muslimiin dagaal aan jihaad ahayn ma gali karno dagaalkan wuxuu lid ku yahay fariimaha Quraanka" wuxuu kaloo yiri la dagaalami maayo ciidanka Vintam iyaga iiguma yeerin jareer" marka la gaaray sanad 1967 waxaa laga qaaday magaca uu ka helay feerta waayo wuxuu diiday inuu ciidanka maraykanka ku biiro dagaalka ayuu ka soo horjeestay ee vitnam, laakin ciidanka maraykanka dagaalka vintam wuu ku fashilmay marka la gaaray sanad 1970 wuxuu u soo laabatay cayaartiisa wuxuuna feerta la galay ninka lagu magacaabi jiray Joseph William "Joe" Frazier, marka la gaaray 1974 maxamed cali kalay wuxuu ka guulaystay ninka la dhihi jiray Foreman, markaas wuxuu noqday ninka ugu haysta cayaarta veerta dunida oo dhan.
wuxuu dhintay 4/6/2016 isagoo jira 74 sano, Ilaahay ja u naxariisto