Afurka macaanka badan soomalida aad bay u sameeyaan, lagama waayo cuntada soomaalida waxa loo yaqaano sambuus, kaas oo ah cunto laga keenay dalka india, sambuusku wuxuu ka samaysan yahay bur iyo basal iyo hilib la shiiday markaas saliid baa lagu dubaa, sidoo kale waxaa lagu daraa xawaaji iyo waxyaalaha carfaya, soomaalida aad bay u cunaan sanbuuska bisha ramadaan si caadi aan ahayn, sidoo kale burka wuu la socdaa inta badan.
sidaa daraadeed kooxda al shabaab waxaa mar la sheegay inay diidayeen sambuuska waayo wuxuu leeyahay seddex geesood oo ay ku fasireen inuu tilmaamaya waxyaalaha ay kirishtaan aaminsan yihiin, laakin waxay u egtahay arintaas inuu shaqio ku lahayn, teeda kale waxyaalo badan ayaa jira oo seddex ku sifaysan oona la dhihi karin, kirshtaanka ayaa xiriir ka dhexeeya.